Bashiir Gurxan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland, oo Xilka laga Qaaday

Bashiir Gurxan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland, oo Xilka laga Qaaday

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiir Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland, Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan, waxaana xilka looga qaaday warqad faafin ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka.

Bashiir Gurxan ayaa maalmo kahor waxa uu waraysi siiyeey Radio Daljir, waraysigaas ayuu Wasiir Gurxan ku taageeray mowqifka DFS ee xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo dhiibista Qalbidhagax loo dhiibay dowladda Itoobiya. Wasiir Gurxan ayaa yiri, “Puntland waa ay soo dhaweysanaysaa in Qalbidhagax loo gacangaliyo Dowladda Itoobiya,” asaga oo ku sii daray “Qalbidhagax iyo ONLF yay xorraynayaan, yay se ka xorraynayaan? Haddii maanta cidi xorriyad u baahantahay waa Soomaalida Soomaaliya ee shanta calan kala sidata!”

Hoos kadhegayso waraysiga Radio Daljir la yeelatay Wasiir Bashir Gurxan.

………………………….

Warqada xil ka qaadista ee Maxadweyne Kuxigeen Camay.

………………..

Wasiir Bashiir Gurxan: “Qalbidhagax iyo ONLF yay Xoraynayaan … Dadku waa Xor Waana Ladanyihiin” (dhegayso)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com