Sidee Shaqo loo Helaa Ama Loo Abuuraa?

Sidee Shaqo loo Helaa Ama  Loo Abuuraa?

” Qofkasta oo dunida ku nooli wuxuu Jecel yahay innuu shaqo wanaagsan oo lacag badan helo se qofkasta oo dunida ku nooli ma laha aqoonta iyo xirfadda shaqo wanaagsan lagu helayo”

Maalmihii u dambeeyay waxa aynu ka hadlaynay qaabkee shaqo loo hellaa ama loo abuuraa, labadan qaab waa laba qaab ee dunidda ka jira marka laga hadlayo shaqo abuurka iyo shaqo helista.

Intaad nooshahay saddex midkood unbaad noqon shaqaale, loo shaqeeye iyo iska fadhiya aan shaqaysan, inta badan dadka iyo caalamkuba laba ka mida ayay ku mashquulsan yihiin innay noqdaan shaqaale iyo innay noqdaan loo shaqeeye.

Qofkasta oo dunida ku nooli waa shaqaale ama loo shaqeeye “Shaqo abuure” qofkasta oo doonnaya inuu noqdo shaqaale wuxuu raadiyaa sidii uu shaqo ku heli lahaa waxaannu maraa waddooyinkasta oo shaqo lagu heli karo hadday aqoon tahay, xirfad tahay ama waddo kale tahay ba, qofkasta oo loo shaqeeye ah ama shaqo abuure ahinna wuxuu raadiyaa fikir shaqo lagu abuuri karo, dhaqaale, goob iyo shaqaalihii ka shaqayn lahaa ka dibna waxa kulmaya oo is hellaya shaqodoonkii iyo loo shaqeeyihii oo baahi isku keentay, marka aynnu ka hadlayno shaqodoonka waxa markasta ku waajiba innuu haysto aqoon sidoo kalenna uu ogyahay baahida haysa qofka shaqo abuuraha ah.

Haddaba haddii aad tahay shaqodoon waxa kugu waajiba innaad markasta aqoontaadu tahay aqoonta loo baahan yahay ee aan dadku haysan, si aan shaqo u heshid baro aqoon kala duwan oo aad loogu baahan yahay sida xirfadaha gaagaaban ee markasta loo baahdo, haddaan tusaale ku siiyo Dalkeenna waxa ku dhexsocda in ka badan 90’000 kun oo gaadhi kuwaasoo qaarkood xumaadeen intooda badanina ay shaqaynayaan, jaanisyadda ilaa hadda bannaan waxa ka mida ma jiraan Arday jaamacadeed oo wali ku fikirtay innay geerash casri ah dalka ka sammaystaan kuwaasoo adeegsannaya aqoontoodo kala duwan, Haddii aad Hargeysa meelkasta martid ma Arkaysid nin jaamacad dhammeeyay oo aqoontaa shaqo ka raadiyay, maalinkasta gaadiid baa xumaadda, burbura, ama dhibaato kale ku dhacdaa, ilaa imikanna dalka kuma arkaysid Geerash casri ah oo sidaad jeceshay kuugu adeegaya dhammaan ragga makaaniyiinta ka shaqeeya baabuurta intooda badani waa Muqayliin ” Rag mirqaansan” iyagoo qaad iyo sigaar afka ku haya ayay kuu shaqaynnayaan xitaa qaarkood lama aamini karo marka la eego qaabkooda iyo wajigooda markaa waxaan uga socdaa Maxaa loo heli waayay boqolaal arday oo barannaya shaqada makaanikadda ah ka dibna si nadiifa dadka ugu adeegaya iyagoo geerash casri ah furanaya qalab casriyanna soo iibsannaya haddii aad jaaniskaa tijaabisaan waxaan hubaa innaad ka aflaxaysaan baahi badanna daboolaysaan walibana shaqaddaa waxa qaban kara inta Ingineerinka baratay, inta maamulka iyo xisaabaadka oo iskaashadda qaarkoodna waxa ay isu qaybinayaan innay ka shaqeeyaan mashiinka, buufinta, taayiradda, dabka, I.w.m.

Waxaan uga socdaa un ilaa aynu ka shaqayno shaqooyinka banaan ee inna horyaalla way adag tahay in qofkastaa shaqo hello haddii shaqooyinka bannaan aynu qabsan wayno waxaanna innoo qaban doonna ajaanib sida imikaba ay geerashyo innooga dhex furteen.

Si aad shaqo u heshaan shaqokasta qabta si aad u shaqaysataanna shaqadda bannaan ee diyaarka ah qabta.

Si aad shaqo u heshaan xirfaddo shaqo yeesha, si aad shaqo u heshaanna dabeecaddiina iyo dhaqankiina ka dhiga kuwa ugu wanaagsan.

Si aad shaqo u heshaan si mutadacnimo leh ugu adeega bulshaddiina ka dibna waad ka soo dhex bixi doontaan cidkastaanna way idin jeclaan doontaa.

Si aad shaqo u abuurtaan fikirka wanaagsan badiya oo waxa innaga dhimman raadiya wax cusub iyo shaqo cusubna ka fikira.

Shaqo waad helaysaa, waannad abuureysaa si aad shaqo u heshid ama u abuuratid markasta ka fikir xagga wanaagsan ee horumarka kuu ah, si aad shaqo u heshid hadafkaagu ha noqdo shaqo hel, si aad shaqo u aburrtidna hadafkaagu ha noqdo shaqo abuur markaad hadafka sammaysatid waxa lagaa rabbaa fulin iyo ku cel-celin joogtaa ilaa intaad ka gaadheysid hadadkaaga markaad gaadhidna Alle ugu mahadnaq.

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)
[email protected]
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Article: 326
Tell: – 063-4400319
Berbera.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 45
  • Xasab 2 weeks ago

    Wax hadal mahaayo

  • Nuuradiin ahmed ali Nuuradiin ahmed ali 6 months ago
  • abdimajiid noor 1 year ago

    anigu waxan ahaya ardey dhigta jamacad kutala wadanka Germany wxna dhigta xirfad taasoo ah computer programıng…
    intaas kadib waxan hal shey ufaa ideynlahaan ardeyda walalahay ah,sida wada ognahay hda adunka badana wuxu ujeestay technology ama skills sida darteed waxan idin dhihi laha onlineka shaqooyin badan ayaa yaalo inaad kashaqeesataan isku daya sabbto ah wxd malinkii sameen kartaa 5$ 10$ 20$ 30$ intaas io in kabadanbo waad sameen kartaa ee wxn idiınku waaninayaa onlinekaas inaad kawardooontaaan online jobs meel walbo joogtid waad kushaqeesan kartaa ıdımka alle

    dhmntiina guuleeesta;……..

    • Magaygu waa yuusuf bille
      halmid hala iga jaahil bixiyo waa mxay sababta nagu kalifeeso inaan Wax qabsan karin ama aan hormar sameyn karin..

      • Maryan moalim 6 months ago

        Sbbta=waxaan iskala weenahy shaqooyinka yar yar ee aay xitaa aan nagula soo biili jirey wax nagala barey

        Dabcan adigoon jaran jarada tan koowaad ka gudbinna tan tubanaad ma fuuli kartit wax walibana waxa ay leeyihiin meel laga bilaabo oo hoosa ah
        Lkn innagu waxanba doonaynaa shaqada koowaad ee aan helno in ay ahaato mid heer sare ah misna dhaqaalo badan leh
        Waana sbbta aad marwaliba ugu liidano asaageena

    • Xamse 7 months ago

      Sidee shp germany u iman karaa wll

  • Sapriina 2 years ago

    Runti waa arin wanaagsan lkn meshee laga baran laha farsamoyinma iyaga oo casri ah dalka malayan

  • Sapriina 2 years ago

    Aniga waxan ahay arday waxbarta lkn ma haayo wax shaqo ah

  • ABDI LADIV MAHAMETH VARAX 2 years ago

    WAXAN AHAY ARDAY DHIGTA DUGSI LKIN MARKAN EEGAY MEELO .BADAN WAXAN OGADAY INA AYNA LAHAYN WAX BARASHADU FA IDO WALOW AY TAHAY IN WAX LA BARTA ILBAXNIMO IO AQOON BUXDA BALSE 18 SANO OO AAN ISKA LUMINO WAKHTI WAXA KA MUHUMSAN 4SANO OO AAD BARATO SHAQQO HAWLED AMA FARSAMADA GACANTA MARKA ANI LABADABA WAA ISKU WADA WAXANA BARRAY MAGANIGA MUDO.3 SANO AHNA WA DHIGANAYEY LKIN MARKAN DHAMEYE WAXAN ARKAY INAAD HELSO FURSADO BADAN LKIN AY U BAHAN YIHIN INLAGU GACAN QABTO MARKA MARKAN AKHRIYEY DHIRI GALINTA IO WAX SHEEGIDA DALJIR RADIO WAXAN KU FIKIRAY INAN COD SI SHAQO IDINSO DIRSADO

  • Khalid maxamed 2 years ago

    Waxa aan ahay arday barata jamacada qaybata Accounting and financega
    Waxa aan rabaa inaan shaqo helo
    Nooc kasta oo layga baahdo waan qabanayaa.
    Kuna nool haragysa

  • Yahye husein mahamed

  • Abdirahman bile hussen and 3 years ago

    Wax aan joogah hareysa gar ah shacbka mgc abdirahman bile hussen wax aan donay in aaan shaqo aad ii sisaan

    • Iqra mahamed 1 year ago

      Sanadkaan baa dhameeye jaamacada mana haayo wax shaqaa shaqo la aanta baahsan ee wadanka kajirto aawgeed

  • Raage Abdullah maxamed adan 3 years ago

    Diyarbakir an ahay

  • Sihaam 3 years ago

    Way vcnty lkn wadanka ku noolnhy waa soomali mna lga helo shaqi

  • maxamed 3 years ago

    hadda waa ay adag thy in la helo shaqo sabab badan awgow wadanka nah xaaladiisa ma sahlano ma anh jirto wada shaqeeyn ka dhaxeyso dhalinyarada waxbaradey wodladaha in ay la imaadaa barnaajim shqo abuur ah oo wax tar leh waa raigegeyga qaas ka ah

    • Xasan maxamed cabdi(dhacarbe( 3 years ago

      WAXAN DOONAYA IN LA IKAWACAWIYO ZHAQO ONLINE OO ANI AAN WATO .
      WAXAN DIYAR U AHAY HISHIIS WANAGZAN OO NADHEX MARA
      HANBALYO

      • Cabdi casiis Mohamed. Osman 8 months ago

        Aniga oo ah cabdicasis Mohamed osman waxa aan ku nolahey Somalia gar ahaan gobolka gedo waxa aan doonayaa inaad iga caawisaan shaqo

    • Salmaan Yare 10 months ago

      Shaqo waan hayaa sidii dhakaale usameya

  • Maxamed ismaaciil 3 years ago

    Magacygu waa maxamed ismaacii waxan aqoon u leeyahy dhigida xisaabta iyo quraanka iyo somaliga iyo carabiga iyo somaliga

  • Maxamed ismaaciil 3 years ago

    Magacygu waa maxamed ismaacii waxn kunolahy mgyld hrgisa wxn ahy shaqo doo diyaar wan u ahy shaqo kasta oo laydiro inaan sidaythy uga soobaxo

  • Maxamed ismaaciil 3 years ago

    Magacygu waamaxamed waxn kunolahy mgyld hrgisa wxn ahy shaqo doo diyaar wan u ahy shaqo kasta oo laydiro inaan sidaythy uga soobaxo

    • Magaceygu waa Maxamed waxa diyar uahy waxa walbo laidiro ina qabto waxan kunolahy magld Muqdisho

  • Abdirahman 4 years ago

    Magaceygu waa cali

  • sharmaake 4 years ago

    waa sax in lahelo dhalinyaro kushaqaysanaysa aqoontooda
    uguna shaqaynaya dadkooda iyo dalkooda balse waxay ubaahantahay jaamacado horumarsan oo laga helayo kuuliyad kasta markaa waxaa hubaal in lahelayo dhalinyaro shaqysanaysa iyo jamacado soosara araday horumar latumaafa

  • hamsa abdi 4 years ago

    runtii dhalinyarteena waa inaynu fadhiga ka kacdaa oo raadinaa sidaynu shaqo abuur buuxda ula iman lahayn lkn waxaa dhiba inay isku meel taagnaadan ardaygii tacabka la soo galiyey iyo kii bilaa aqoonta ahaa lkn markaan eegay waxaa tacab badan ka bilaa aqooonta ah waayo kaasi meelna kama xishoonaayo lkn kan aqoontale wuxuu raadinayaa shaqo nadiifa taasna lama helaayo waa markaan idhaahdo waxbarashadiiba waxaa laga qaaday jaahil nimo

    lkn aniga taladaydu waxaytahay inaynu wadan keena iyo nafaheena wax ka badalno oo aynaan shaqo na ka xishoon si kastaba ka noqotee
    alle na tala saarano

    • Ilyaas yuusuf maxamed 1 year ago

      Waxan ahay arday dhameyi iskolka dhameyi waxan ka shaqeya geerish in shaqo ley aburo ayan raba garab istag ayan dunayaa

  • muxudiin 4 years ago

    Side shaqo lo abuura company

  • Yuusuf axmed 4 years ago

    Waxan wada jecelnahay inaa shaqeyno lkn wadankaa xogaa dhibato ka jirtaa lkn waa laga bixi donaa hadii aad shaqo heysan waxan jeclan lahaa inaa isisan

    • Qofkasta wuxuu jeceyl yahay inuu shaqo helo waxaan alle kaga baryaaa dhamaaan muslimiinta uyo aniba inuu u sahlo shaqo wanaagsan

  • mahad faysal xasan 4 years ago

    waxaan hayaa figrad ah iney suuqa wax kala iibsiga wax uga dalban kartid anigoo jooga xafadada siah online waxan aamin sanahay hadii la sameeyo iney dhalin yaro faro badan ay shaqo heleyso runtii

  • abdislan maxamed 5 years ago

    waaa sax

  • Shuuqi 5 years ago

    Farsamada gacantu wey noocyo badantahay laakin qof xirfadle ah oo khabiir xirfadeed leh hadii aad heshaan dab can ma u heleysaan goobtii uu wax idinku bari lahaa iyo adeegiisii oo dhamays tiran waayo dal aan sidaa idiinka fogeyn ayuuu joogaa qof macquul ah oo umad u faa ideynkara

  • mushtaq omar mahamud 5 years ago

    waxan ardayad dhigta jamcada year thre ah barata ICt wxn rapa inan helo shaqo

    • Ma waa fikrad wanaagsan lkn wadanka aan ku Noolnahay waa somalia, mana laga, jeclo een farsamo gacanta Ah marka shaqo inaa helno waa rabnaa fursadiina Kama faaideysaneyno thanks,

    • Wa lagu helaa ila so xirir

  • maxamed cabdisalaan 6 years ago

    runtii waa arin wanagsan lkn meshii laga baran lahaa farsamoyinkaa iyaga oo casri ah dalka mayalan oo jamacadihii skills waa ka maqantahay oo madhigayaan waa dhibato xaga aqoonta sare ka jirta taas larabay ardaygu marka uu jamacada dhameyo waa in uu wax lasoo bixi karaa waa xirfad uu ku shaqo tago leeyahay dadkeenu ma jecla shaqoyinka gacanta laga qabto waana kuwa ugu wanagsan xaga xalashan nabiyulahi dauud ayaa cibro iyo wano noogu filan waxa uu aha mid quta gacantiisa

    • Asc magacaygu waa sharmaake waxaan joogaa galmudug gaar ahaan dhuusamreeb.waxaan Ahay arday dhigta fasalka 8aad waxaan ahay qof iska Dan yar ah waxaan doonayaa in shadow abuur la iisameeyo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com