Jabuuti oo Baasaboorkeda Siinaysa Shacabka Somaliland

Jabuuti oo Baasaboorkeda Siinaysa Shacabka Somaliland

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay bilaawday in dadka ku nool deegaanada Maamulka Soomaliland ay siiso baasaboorka dalka Jabuuti,xilli weli soomaaliland aqoonsi ka helin Aduunka.

Safaarada Dowladda Jabuuti ku leedahay Magalada Hargeysa ayaa laga bilaabay bixinta Baasaboorka dalka Jabuuti,waxaana Maanta baasaboorkii ugu horreeyey lasiiyey Gabar maalmo kooban dhalaneyd taas oo,iyada iyo hooyadeed ay tageen safaarada jabuuti ay ku leedahay Magalada Hargeysa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in Gabadha ugu horreysay ee Amiira Mahad Maxamed timid Xafiiska Dowladda Jabuuti ku leedahay Hargeysa,isla markaana sirasmi ah loo siiyey Baasaboorka iyo dhalashada dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka Soomaaliland in ay safaarada Jabuuti ee Hargeysa ay u soo doonan doonaan baasaboorka iyo dhalashada Jabuuti,isla markaana ay diyaar u yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com