YAA LEH MASUULIYADDA NATIIJADA LAASCAANOOD 2007 & LAASCAANOOD 2023?

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

YAA LEH MASUULIYADDA NATIIJADA LAASCAANOOD 2007 & LAASCAANOOD 2023?

Waa qormadii 4aad ee taxanaha SSC-Khatumo vs Somaliland iyo sababaha dagaaladii Laascaanood ee 2007 illaa iyo 2023. Sida aan warar lagu kalsoonyaha

Islaan Bashiir, Dekedda Garacad & Farmaajo: “Waxaan la hadlay oo afkeyga kula hadlay Farmaajo, wuu soodhaweeyey … wuxuu igu yiri waxaa idiin imaanaya RW Kheyre” (daawo)
Dib-u-dhaca dunida Islaanka iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida: Qaybtii 3aad (dhegayso)
Xaggee ku taal warshadda sanceysa oo duulisa ‘Diqsiga Danabeysan (Trolls)?’

Waa qormadii 4aad ee taxanaha SSC-Khatumo vs Somaliland iyo sababaha dagaaladii Laascaanood ee 2007 illaa iyo 2023.

Sida aan warar lagu kalsoonyahay ku helnay, sannadkii 2005 ayaa Itoobiya ogeysiiyey Puntland in magaalada Laascaanood loo gacangelinayo Somaliland, ayada oo ku sababeysay in kooxo ONLF ah ay magaaladu hoy iyo marin u noqotay.

Wadahadalo dhexmaray Itoobiya iyo odayaasha dhaqanka SSC oo haatan badankoodu mootanyihiin ayaa odayaashu Itoobiya ka diideen in dhulkooda laga sifeeyo, halka maamulka Puntland ayana sidoo kale ay Itoobiya u sheegeen si lamid ah iyo in aysan dadka degaanka u gacandhaafi karin maamulka dhulkooda, wayna ku cudurdaaratay Puntland in ay qayb ka noqoto dhaxalwareejin Laascaanood.

Ka soo gudub 2007 oo imow 2023. Kacaankii shacab ee sannadkaan 2023 waxa uu ahaa mid dhan kasta kaga duwan kacdoonadii hore, waxa uuna ahaa mid dhagax ku bilowday, u gudbay xabbad, deedna sababay ku dhowaad dhimashada kun ruux oo rayid u badan, barakaca boqollaal kun iyo dhaawac aan xad iyo xaddi lahayn toona oo indhaha caalamka soo jiitay.

Somaliland waxaa si dheer iyo si hooseba loogu sheegay in ay ka baxdo Laascaanood. Laakiin Muuse Biixi si toos ay ayuu u diiday in uu Laascaanood kala baxo ciidamiisa.

Somaliland iyo Muuse Biixi waxa ay joogto warbaahinta uga soo tabiyeen in aysan Laascaanood ka baxayn oo ay “difaacayaan xuduudaha Somaliland,” oo xataa saaxiibkoodii koowaad ee Ingiriiska waa ay ka talo-diideen. Muuse Biixi in ciidan badqaba Laascaanood laga soo saaro waxa ay ula muuqatay sidii dhuxul dab ah oo dhuuntiisa taagan.

Doodo badan oo kooxo shisheeye iyo Muuse saaxiibadii waxa ay la isla garteen in sii joogida Goojacadde aanay macquul ahayn, oo waa in laba la kala doortaa, khasabna ay tahay in ciidamo shisheeye la keeno ama in si nabad qabta ciidamada Goojacadde looga soo saaro.

Nasiibdarro, labada talo midkoodna uma ay cuntamin Muuse Biixi oo waa uu talo diidey. Tiro dhowr ah masuuliyiin dawladda Ingiriiska oo isaga soo dabanoqday xataa wuu ka talo diiday, wayna ka degi weyday Muuse in ciidamada Somaliland oo nabad qaba la soo saaro oo ay dhulkooda ku soo noqdaan.

Muuse Biixi waxa uu is tusay ciidamo nabad qab uga soo baxa Laascaanood in ay asaga inqilaabi doonaan ayaga oo magaalada Hargeysa xoog ku soo gali doona, wixii rajo uu qabeyna Togga Herer ku dari doona, waxaana khasab ku noqotay in mar kale maskaxda la tuujiyo.

Talo-soo-jeedin ragga ehelka u ah Muuse Biixi ayaa markii danbe soo bandhigay, sida aan xogo hoose xilli danbe ku helnay, in ciidamada oo hubaysan aanay ku soo noqon gudaha Hargeisa iyo meel u dhow toona, khaasatan hubka culus. Sidaas darteed raggii taliyey waxa ay isla garteen in ciidamadii ku sugnaa xeryaha ku meersanaa dacalada magaalada Laascaanood gaadiidkooda shidaal la’aan laga dhigo, siiba gaadiidka culus, si aysanba u dhaqaaqin, waana tan sababtay in gaadiidkii cuslaa oo dhan uu gacanta u galo xoogagga SSC.

Rag ku xeel dheer waxa dhacay oo aan ka talo weydiinay sida wax u dheceen, waxa ay Daljir u sheegeen in tan Somaliland ku dhacday laga rabay in laga jawaabo, jawaabtuna la rabay in ay noqoto mid galaafata dhammaan wixii saraakiil ka haray Somaliland oo kan ugu horreeyaa yahay Taliye Nuux Taani. Laakiin taasi ma ay dhicin oo waxaa la saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo baara waxa dhacay. Laakiin nasiibdarro guddiga la magaacay waxa uu noqday isla guddigii dajiyey khidadda dagaalka, mana aysan dhicin in baadhitaankii loo diray ay jawaab maangal ah ka bixiyaan, welina sidii bay u aamusanyihiin.

Fulinta qorshaha awood-siinta waxa ay cagaha u dhigtay awooddii Muuse Biixi ee sii haynta xilka Somaliland, maadaama aanay jirin awood ciidan oo haatan u xoog sheegan karta Muuse. Awoodda kaliya ee maanta Somaliland ka jirtaana waa tan beelaha, siiba tan beesha bariga Burco. Si loo sii kala dhantaalo awoodda beesha Bariga Burco ayana waxaa loo dajiyey khiddad farsameysan, waxaana la abuubulay shirqool ku saleysan dagaal beeleed la dhex dhigo beesha Bariga Burco iyo SSC. Dagaalkii beelaysnaa ee ugu horreeyeyna waa la ridey iyada oo la isku haleelay Buqdharkayn iyo Hagoogane.

Beesha bariga Burco oo fulineysa qorshaha Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin haatan wixii tamar ay lahaayeen waxa ay isugu geeyeen gobolka Sanaag, waxaana haatan taagan colaadda degaanka Fiqi Fuliye ayada oo dil qorshaysan la fuliyey, isla markaana la dhacay gaadhi laga leeyahay bariga Sanaag oo hadda hulaaqaya.

Collaadda beelaha waa bilow, waxaana haatan socda qorshe kale oo asna beelaysan oo qayb ka ah cimri dheeraysiga Muuse Biixi. Waxaa haatan la saadaalinayaa iska horimaad horleh oo beelaha Somaliland ka dhex qarxa oo ay ugu horreeyaan beelaha bariga Burco iyo waliba kuwa galbeedka oo Guddoomiye Cirro uu ka soo jeedo, horeyna dagaal Buuraha Gacan Libaax u galay, bal se laga soo rogey, haatanna ku sii jeeda in ay buuraha mar kale galaan.

Qorshaha Muuse ee cimri dheeraysiga iyo kan collaadda beelaha ee ka sii daraya ayaa haatan la saadalinayaa in uusan maamulka Somaliland xammali karin, sidaas darteena uusanba ka danbeyn doonin gacanta Muuse Biixi. Muuse ayaa isna marna ka rajo dhigin in haddii qorshihiisu socon waayo uu wixii Somaliland ka hara uu ku badasho jago uu kaga helo Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Waana tan danbe tan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (ICG) iyo Muuse Biixi ay isku fahmi la’yihiin, oo ICG waxa uu Somaliland u arkaa gobol ilaaliya dantiisa iyo xuduudihiisa, la’aanta Somaliland-na ay ICG ula mid tahay xukun-la’aan iyo mucaarad hubeysan.

Warbaahinta Daljir | Wariyaha Daljir ee Xafiiska Laascaanood


Taxanaha SSC-Khatumo vs Somaliland

SSC-KHAATUMO vs SOMALILAND IYO QORSHAHA QARSOON EE MUUSE BIIXI

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0