SSC-KHAATUMO vs SOMALILAND IYO QORSHAHA QARSOON EE MUUSE BIIXI

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

SSC-KHAATUMO vs SOMALILAND IYO QORSHAHA QARSOON EE MUUSE BIIXI

Maadaama aan qormooyinkii hore ku soo xusnay wixii ka dhexdhacay labada dhinac, aan si kooban u dulmarno xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinka: 1. La

Maxaa ka dhexeeya dagaalkii 2007 ay Somaliland ku qabsatay Laascaanood iyo kii looga qabsaday 2023?
Caleemasaarka Madaxweyne Deni oo socota iyo casumanayaashii ugu badnaa oo ka qaybgalaya
Taliye Cabdi Axmed Xaashi: “Alshabaab waxay Heshiis Hoose Leeyihiin Soomaalilaan” (dhegayso)

Maadaama aan qormooyinkii hore ku soo xusnay wixii ka dhexdhacay labada dhinac, aan si kooban u dulmarno xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinka:

1. Labada ciidan, kii 2007 ee Puntland iyo kan maanta ee Somaliland, waa la naafeeyey iyada oo aan dagaal toos ah la galin, waxaana lagu kala diray qaab qarsoodi ah oo ay ogyihiin taliyayaasha ciidamada iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda oo kaliya

2. Madaxdhaqameedka qaar waxay ka sinnaayeen fududeynta hawlgalada qorshaysan ee lagu fulinayey hadba siyaasadda taagan

3. Abaabulka labada dhinac ee beenta iyo borobagaandada oo bulshada lagu majarahabaabinayo loona sheego in duullaanka iyo difaaca qiimo sare ay ku baxaan

4. Abaabul ciidan beeleed oo dhallinyaro aan tababar ciidan haysan farumaha la geeyo, kuwaas oo qasaare ba’an ka soo gaaro ayna nafta ku waayeen dhallintii mustaqbal wacan rajo ka lahayd

5. Xidhiiidhka ka dhexeeyey qaar saraakiisha labada dhinac kana midaysan ka bixitaanka magaalada Laascaanood

Waxaa kale oo jiray qodobo ay ku kala duwanaayeen, bal se hadafka siyaasadeed uu ahaa markasta mid isku meel u socda:

1. Sannadkii 2007, Puntland hubkeedii muhiimka ahaa way kala baxday magaalada iyo nawaaxigeeda wixii hadhayna dagaalka horraantiisii ayay dhaqaaqeen. Dhanka Somaliland, dagaalkii sannadka 2023 hubkeedii ugu cuslaa waxay ku soo ururisay magaalada Laascaanood daafaheeda, taasina waxa ay sababtay in badi hubkii Somaliland uu galo gacanta xoogagga difaaca SSC-Khatumo

2. Sannadkii 2007, Puntland saraakiishooda in badan oo kamid ah ayaa dareensanaa waxyaabaha socda, taasina waxa ay sababtay in aan askar badani ka dhiman oo ay si nabad ah ku baalmaraan magaalada. Dhanka Somaliland, dagaalkii 25ka Agoosto, ma aysan jirin wax xog ah oo hoos loo dhaadhiciyey waana tan sababtay in ciidamadii Somaliland ay ka badbaadaan wax ka yar 50%, wixii soo hareyna ay badi noqdaan kuwo qalbiga iyo maanka ka naafooba

3. Sannadki 2007, Somaliland waxay Laascaanood kula wareegtay heshiis la yiri waa uu u dhexeeyey labada dhinac ee dagaalamaysay, halka la wareegida sannaadkaan 2023 aanay ahayn mid heshiis ku timid, balse ku timid qori caaradi iyo sababo aan dib ka faahfaahin doono

4. La wareegidii hore ee sannadkii 2007 ay Somaliland la wareegtay Laascaanood, dadka degaanku xog iyo xaal midna kama aysan hayn waxa dhacaya, halka haatan ay ahaayeen kuwa sababay in ay gacantooda kula wareegaan, sababtuna ahayd hagardaamooyin quluubta dadka muddo dheer ku qaadisanaa

Haddaba su’aal baa ah, maxay tahay danta Muuse Biixi ugu jirta baabiinta ciidankii xoogga badnaa ee Somaliland? Miyey jirtay cid gadaal ka riixaysay in laga baxo magaalada Laascaanood? Ma waxaa jira xubno qarsoodi ah oo fuliyey damaca Muuse Biixi? Haddiiba uu jiray qorshe noocaas ahi, maxay noqon doonaan natiijooyinka ka soo baxaya hawlaha haatan taagan ee la isku horfadhiyo?

Dhamaan Su’aalahaas waxaan kaga jawaabi doonnaa qormooyinkeena xiga iyo qormada afraad.

LA SOCO QAYBTA 4aad …

Warbaahinta Daljir | Wariyaha Daljir ee Xafiiska Laascaanood


SSC-KHAATUMO iyo Dagaalkii 25ka Agoosto Kabacdi

Maxaa ka dhexeeya dagaalkii 2007 ay Somaliland ku qabsatay Laascaanood iyo kii looga qabsaday 2023?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: