SSC-KHAATUMO iyo Dagaalkii 25ka Agoosto Kabacdi

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

SSC-KHAATUMO iyo Dagaalkii 25ka Agoosto Kabacdi

Laascaanood markii lagu kala adkaaday hiirtii hore ee 25ka Agoosto, ciidamada Somaliland wixii ka cararay degaanka Goojacade iyo fadhiisimadii kale ee

Dusting off their resumes Gaas and Omar stand firm for the old clan system and fly off to meet President Hassan Sheikh
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo qaadacay 5 xubnood oo ku jira liiska Xildhibaanada (daawo)
KACDOON KA DHAN AH MUSE BIIXI OO KA BILOOWDAY HARGEYSA

Laascaanood markii lagu kala adkaaday hiirtii hore ee 25ka Agoosto, ciidamada Somaliland wixii ka cararay degaanka Goojacade iyo fadhiisimadii kale ee ay ku lahaayeen aagagga Laascaanood waxaa lagu hakiyey tuulada Oog oo jirta 100KM dhinaca waqooyiga Laascaanood. Durbana waxaa ciidamada Somaliland ka dhex biloowday khilaaf xooggan salkuna yahay sababta keentay jabka foosha xun ee ku yimi ciidamadii awoodda badnaa ee Somaliland.

Saraakiisha Somaliland badankooda ayaa dalbaday in la ciqaabo ciddii ku lug lahayd jabka ciidankooda ka dhigay mid dhintay, mid dhaawac ah, mid la qabtay oo maxbuus ah, mid la waayey jaan iyo cidhib meel uu dhigay iyo mid dhimirka dhaawac ka gaadhey. Hase yeeshee taasina waxa ay noqotay mid aan laga hoosqaadin, taas oo badankooda ula muuqatay mid ku talagal ahayd, waana tan sababtay in qaar badan ay danahooda gaarka ah ka raacdaan.

Sheekooyin borobogaando ah oo ciidanka dhexdiisa laga sameeyey ayaa iyana sii xoojisey burburka ciidamada Somaliland ku yimi, kaas oo si gaar ah u taabanayey beesha galbeedka Togdheer.

Waxaa kale oo xusid mudan in beesha bariga Togdheer sheekooyin xiiso u leh faylasha siyaasiyiintooda loo soo fagey, taas oo tibaaxdeedu tahay in dagaalka beeshooda looga tegayo sidaa darteed aanay oggolaan in hubka culus cid kasta ha wadatee aanu degaankooda dhaafin oo ay cid walba ka fara maroojiyaan, waana tan sababtay in dhawr farsaar ka dhaco docaha Oog iyo Caynabo oo ay guul ka gaadheen rag dagaal ka soo daahayna ay ka faramaroojiyeen gaadiid iyo hubkii saaraa.

Maamulka Somaliland oo arkay ciidan la’aanta jirta waxa uu durba bilaabay in ciidan beeleed uu ka soo ururiyo beelaha Somaliland, kuwaas oo aan lahayn wax tababar ah, laakiin loo sheegay in tababar la gelin doono, bal se si toos ah loo keenay degaanada ciidamadu isku horfadhiyaan. Laakiin shacabka furimaha la soo dhoobay kuma ay sii raagin, oo badankoodii waxa ay si dhuumasho ah gaadiidka dadweynaha dib ugu raaceen degaanadii ay ka yimaadeen, ayaga oo maanka ku haya wixii looga sheekeeyey ee ka dhacay Goojacade iyo xaqiiqada hortaal.

Dhammaan aagagga ay isku horfadhiyaan Somaliland iyo ciidamada difaaca SSC-Khaatumo, wixii Somaliland ka soo hadhay ciidan ahaan waxay 75% noqdeen beesha bariga Burco, waxayna beeshu si toos ah u qaadatay amarkii xukoomadda Somaliland oo loo adeegsadey siyaasiyiin beesha ka soojeedda oo ay ugu mudanyihiin Maxmed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo kan Warfaafinta, Cali Marreexaan.

Markii maamulka Somaliland yaqiinsaday in ciidamada SSC aysan hawaysan karin, waxa ay qorsheeyeen dagaal beeleed. Waxaana durba biloowday in bishaan Noofembar horraanteedii saddex nin oo hubaysan ay dil qorshaysan ka geysteen degaanka u dhexeeya Buqdharkayn iyo Yeyle.

Dilkaas beelaysan waxa uu fure u noqday qarafkii qarxiyey dagaaladii ka dhacay degaankaas oo ugu danbayn lagu baabi’iyey tuuladii Buqdharkayn oo maanta laga dhigay meel bannaan. Mar kalena waxaa si kedis ah beesha Bariga Burco ay weerar ku qaaday Meygaagle, waana dagaalka maanta gaadhey Qorilugud oo Buuhoodle 40KM waqooyi kaga aadan. Qorilugud haatanna waa taa laga qaxay.

Dagaalka qorsheysan ee haddana beelaysan ee laga soo abaabulayo Hargeysa iyo Burco kuma uu ekaan Sool iyo Togdheer ee waxa uu gaaray dhankaas iyo gobolka Sanaag oo isla beesha Burco ay laba dil ka geysatey, waxa uuna sababay in la baabi’iyo tuulada Boodhley oo dhinaca galbeed ka xigta Fiqifuliye oo ka tirsan degmada Ceerigaabo. Xiisaddii dagaalkaasna waa mid haatan taagan.

Dhammaan dhacdooyinkan beelaysan waxay dhammaystirayaan hammiggii Muuse Biixi ee ahaa in uu dagaal beeleed ka bilaabmo jiidda u dhaxaysa SSC iyo Somaliland in kasta oo qaybo ka mid ah beelaha deriska ah ay ka dhega adaygeen in ay u hoggaansamaan awaamiirta colaadeed waana ta sababtay in degmada Xuddun ay ahaato mid colaadda ka nabad gashay maadaama beesha waqooyiga degmadaasi ay diideen dagaal dadka oodwadaagta ah laga dhex huriyo.

Waxaa kale oo haatan xaqiiqo noqotay in siyaasiyiin iyo salaadiin ka soojeeda Somaliland ay qorshaha iyo damaca Muuse Biixi si toos ah u bidhaamiyeen, laakiin aan dheg loo jalaqsiinayn.

La soco qaybta 3aad …

Warbaahinta Daljir | Wariyaha Daljir ee Xafiiska Laascaanood


 

QAYBTA 1aad

Maxaa ka dhexeeya dagaalkii 2007 ay Somaliland ku qabsatay Laascaanood iyo kii looga qabsaday 2023?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0