Xul Matalaya Somaaliya oo Markii Ugu Horeysay Ka Qayb Galaya Tartan Ciyareed Caalami Ah (dhegayso+Sawiro)

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa taariikhda markii ugu horraysay ka qayb-gelli doonna tartanka caalamiga ah ee World Mini Football oo dhawaan ka furmi doonna dalka Tuuniisiya.

Soomaaliya waxaa ay Group ku wadda jiraan Wadamada Soomaaliya,Ruushka,Barazil ,Boosniya .

Ciyaartoyda u matali-doonta xulka soomaaliya tartankaas ayaa isugu kuwa dalka gudihiisa ka ciyaara iyo kuwo dibada ka imaan doonna.

Ujeeddada ayaa lagu sheegay inay tahay in la helo xul soo celin kara sumcadii soomaaliya ay ku lahaan jirtay ,tartamada caalamiga ah ee dunida.

Cabdiqani Carabay waa guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta World Mini Football ee Puntland , ayaa waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha Raadiyo Daljir, Axmed Sheekeeye , oo ugu horreyn waydiiyay xilliga uu furmi doonno koobka ?

Hoos kadhegayso Waraysiga Cabdiqani


Labbo kamid ah ciyaartoyda Gobolka Mudug ayaa markii ugu horraysay iyaguna Puntland u matali-doonna tartankaasi ,maadama markii hore laga xulay jiray Koonfurta Soomaaliya .

Maxamed Faarax Cali (Mo Farah) waxaa uu kamid-yahay labada ciyaaryahan oo laga soo xulay gobolka Mudug kuwaas xulka u matali-doonna Puntland .

Axmed sheekeye ayuu u Waramay

Hoos kadhagayso Waraysiga Moha Faarax

 

 

 

 

 

 

 

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com