Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Man United fkf Real Madrid (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Man United fkf Real Madrid (dhegayso)

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ayaa wada ciyaari doona koobka loo yaqaan Super Cupka oo ay wada ciyaaraan labada kooxood ee ku soo kala guulaysta Champions League iyo Europa League. Waa ciyaar xiiso gooni ah leh marka loo fiiriyo tababaraha Manchester United oo horay u soo maamulay kooxda Real Madrid

Madaxweyha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa wuxuu markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii uu Neymar Jr kooxda uu maamulo uguna biiray Paris Saint-Germain oo bixisay lacagaha lagu burburiyay heshiiskiisa Cump Nou oo gaadhsiisan 222 million euros, lacagtaas oo weli dunida laga hadalhayo.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0