Xafladda Caleema saarka Barlamaanka Jubbaland oo la soo Gaba-gabeeyay

Khamiis May 07, 2015 (Daljir) — Waxaa goor dhowayd magalada kismaayo ee xarunta KMG,ka ah ee maamulka Jubbaland kuso gabagaboobay munaasibad lagu caleema saaray Barlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland taasi oo ayka qayb-galeen Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar,iyo waftiyo ka kala socday Kenya iyo Ethiopia oo ay kala hogaaminayaan wasiirada Arrimaha dibadda dalalkaasi.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud aya madasha caleema saarka Barlamaanka ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa,taasi oo uu uga hadlay Madaxweyne Xassan xaalada dalka Soomaaliya dhismaha maamullada iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta la caleema saaro Baarlamaanka Jubba, waxaana warbixin uu ka siiyay ka qeyb galayaasha munaasabadda horumaradii kale duwanaa ee Soomaaliya ay gaartay.

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay horumarka la gaaray in daliil ay u tahay wadadii dheereed iyo marxaladii aan soo marnay iyo halka maanta aan taaganahay oo uu tilmaamay in lagu sifeyn karo yadadiilo wanaagsan oo horseed u ah Xoojinta Dowladnimada.

“Waa in aan isku sabarnaa oo aan fiirino mustaqbalka umadda Soomaaliyeed islamarkaana aan ka fekerin waxa maanta aan rabno laakiin aan ka fekerno mustaqbalka Berito, waxaana u baahan wixii shalay in aan ka daawowno oo aan u sabarno maslaxadeyna maankana ku heynaa, beri maxaan u baahanhay xagee wax ka qaldameen sidee lagu sixi karaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbadiisu eheyd mid dheer ayaa waxa uu maamulka Jubba uu ugu baaqay in ay badiyaan tanasulka islamarkaana ay is dhageystaan kana soo baxaan go’aamo wax dhisaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in cabasho ay qabaan beelaha qaar ee daga gobolada ku abtirsada maamulka Jubba loona baahanyahay in mas’uuliyiinta maamulkaasi ay xaliyaan cabashooyinkaasi islamarkaana ay qanciyaan dadkaasi maadaama mas’uul ay ka yihiin ayna ku biiriyaan xubnaha maamulka.

By: Maxamed Xalliye 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com