HomeUncategorized

Maraykanka oo Labo Milyan oo Dollar siinaya dowladda Jabuuti

Khamiis May 07, 2015 (Daljir) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo shalay booqasho ku tagay dalka Jabuuti oo saldhiga ugu weyn Afrika uu ku leeyahay Mareykanka ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.

Mudane Hilowle ? Jubba caqabad kuma aha in maamul loo dhiso gobollada Baay iyo bakool?
Odayaasha & waxgaradka degmada Taleex oo ku eedeeyey Somaliland shaqaaqadii shalay ka dhacday halkaasi.
Maamulka shabeelaha dhexe oo dalbaday in ciidamo boolis iyo nabad-sugid ah la keeno gobolkaas

Khamiis May 07, 2015 (Daljir) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo shalay  booqasho ku tagay dalka Jabuuti oo saldhiga ugu weyn Afrika uu ku leeyahay Mareykanka ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.

Safarka Kerry uu ku tagay Jabuuti ayaa qayb ka ah safar uu ku marayay Dalalka Geeska Afrika, isagoo shalay booqasho ku yimid Muqdisho, halka uu sidoo kale booqasho saddex maalmood ahna horay ugu joogay dalka Kenya.

John Kerry ayaa Geelle iyo Maxamuud Cali Yuusuf kala hadlay xiriirka labada waddan u dhexeeya, isagoo uga mahad-celiyay gurmadka iyo soo dhaweynta ay dowladda Jabuuti u fidisay boqolaal qof oo kasoo cararay colaadda ka socoto Yemen.

Sidoo kale, John Kerry ayaa sheegeay in Jabuuti ay siin doonaan laba milayn oo ka mid ah 68-milyan oo doollar oo Mareykanku ugu talo-galay in dadka ka cararaya colaadaha Yemen lagu caawiyo, isagoo xusay in dowladda Jabuuti ay lacagta loogu yaboobay kula tacaaleyso marti-gelinta qoxootiga ka imaanaya Yemen.

“Xaaladda Yemen aad ayay uga sii daraysaa maalinba maalinta kasii dambeyso,” ayuu yiri Kerry oo intaas ku daray in dhibaatada Yemen ka taagan ay mas’uul ka yihiin Xuuthiyiinta oo uu ku eedeeyay inay colaad geliyeen dalkaas.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in Jabuuti ay haatan ku sugan yihiin in ka badan 30,000 oo Qoxooti ah; kuwaasoo 20,000 ay yihiin Somali dalkooda ka cararay xilliyadii dagaalladu ay ka socdeen.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: