Mudane Hilowle ? Jubba caqabad kuma aha in maamul loo dhiso gobollada Baay iyo bakool?

Kismaayo, October 9, 2013 – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa soo dhoweeyey qorshaha ka socda Baydhabo ee lagu doonayo in lagu dhiso maamul gobolleed ay yeelanayaan gobollada koonfur galbeed ee dalka, xili qorshaha shirka ay ku jirto in maamulku uu ka koobnaado ilaa lix gobol.

Hilowle Aadan Maxamuud oo ka mid ah xubnaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in ay tahay wax macquul ah in maamul loo dhiso gobollada Bay iyo bakool ee koonfur galbeed dalka, waxaase uu sheegay in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay leeyihiin maamulka jubba oo la aqoonsan yahay.

Odoyaasha ku shiraya Baydhabo waxaa uu xusay in aysan waxba uma dhimi karin qorshaha maamulka KMG ah ee Jubba, kaas oo haatan tiigsanaya qorshayaal cusub isla markaasna aqoonsi ka haysta beesha caalamka iyo dowladda federaalka ah ee dalka ka jirta.

?Natiijada shirka ka socda Baydhabo waxaan filaynaa in ay noqoto mid miro dhal ah oo macquul ah, isla markaasna uu ka dhasho maamul ay yeeshaan gobollada Koonfur galbeed ee Bay iyo Bakool.? Ayuu yiri Hilowle.

Qorshaha shirka Baydhabo ayaa ah in la helo maamul la magac baxay koonfur galbeed balse ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo, taas oo la micno ah in uu maamulku ka talin doono ilaa 6 gobol, muran ayaa ka taagan weli sida ay ku hirgeli karto arrintaas maadama uu jiro maamulka Jubba.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com