Al-shabaab iyo huwanta oo ku dagaalamay shabeelaha hoose iyo saldhiga marka oo la weeraray

Marka, October 9, 2013 – Degmada Marka ee xaruunta gobolka shabeelaha hoose waxaa xalay ka dhacay labba qarax oo nooca gacanta laga tuuro ah, kuwaas oo lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku? leeyihiin gudaha degmada.

Saldhiga dhexe ee xaruunta shabeelaha hoose ayaa wararku sheegayaan in labbada Bam lala eegtay, balse ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmig aah ee ka dhashay weerarkaas ka dhacay degmada Marka, waxaa loo? badinayaa in ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Docda kale ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigyo ay meleteriga AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Jannaale iyo Shalaanbood, dadka deegaanka ayaa sheegay in hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab iyo ciidamada jooga gobolka shabeelaha hoose ayaa guulo ka sheegtay dagaalka u dhexeeyey labbada dhinac.

Weerarada Marka iyo kuwa labbada degmo ee Janaale iyo shalaanbood ee gobolka shabeelaha hoose ayaa imanaya maalmo kadib markii la weeraray degmada Baraawe ee xaruunta ee isla gobolkaas.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com