Al-shabaab oo baaritaano ka bilaabay xaafadaha Baraawe xili la xiray xubno laga shakiyey

Baraawe, October 9, 2013 – Ururka Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay xireen dhowr xubnood oo ka tirsan ururka, kuwaas oo shaki looga qabo in ay xiriir la leeyihiin ciidamada USA ee weerarka ku soo qaaday sabtidii degmada Baraawe.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in shaki wayn laga qabo saddexda xubnood, waxaa lagu eedeyey mid ka mid ah ragga la xiray in uu si aad ah u isticmaali jiray aalada Internetka, taasi oo sahli karta in uu macluumaad ku caawiyey ciidamada.

Xaafadaha kala duwan ee degmada Baraawe ayaa sidoo kale wararka aan helayno waxay sheegayaan in ay ka socdaan baaritaano xoog leh, waxaa ciidamada Al-shabaab ay baadi goob ugu jiraan rag la tuhunsan yahay oo macluumaad bixiyaal ah kuna sugan degmada.

Ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee USA ayaa sabtidii weeraray guri ku yaala Baraawe kuna dhow xeebta, waxaa la sheegayaa in lagu dilay guriga saraakiil ka tirsan ururka iyadoo la beegsanayey Cabdulqaadir Maxamed oo Cikraama loo yaqaan kana soo jeeda Kenya balse asal ahaan ah Soomaali

Cikraama ayaa ku eedaysan weerarkii westage mall iyo weeraradii Nairobi iyo Daarusalam ee sanadkii 1998-dii.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com