HomeUncategorized

Guddiga difaaca Baarlamanka Kenya oo diyaariyey qorshe lagu soo celinayo qaxootiga Soomaalida

Nairobi, October 9, 2013 - Guddiga arrimaha difaaca ee Baarlamanka Kenya ayaa shaaciyey in uu dhowaan bilaaban doono qorshe dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaas, waxaa uu sheegay.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Khamiis_24
DHEGEYSO-Warbixin ka hadlaysa faa’iidada Radiyuhu u leeyahay bulshada.
Qaramada midoobey oo soo dhoweysey ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub.

Nairobi, October 9, 2013 – Guddiga arrimaha difaaca ee Baarlamanka Kenya ayaa shaaciyey in uu dhowaan bilaaban doono qorshe dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaas, waxaa uu sheegay in guddigu ay arintaas dadaal dheer ugu jiraan.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga difaaca ee baarlamanka Kenya mudane Ilyaas Barre Shiil oo la hadlay saxaafada ayaa shaaciyey in qorshaha uu yahay mid hirgelaya isla markaasna dhowaan bilaaban doona, waxaa uu sabab uga dhigay xaalado amni.

Ilyaas ayaa xusay in haatan deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya uu amni buuxa ka jiro, waxaa uu si cad u qeexay in qorshaha ugu wayn uu yahay in la hirgeliyo go?aanka dowladda Kenya oo dhowr jeer oo hore dib loo dhigay.

?Waxaa diirada la saari doonaa dadka ku sugan xeryaha oo keliya, dib ayaa loo eegi doonaa qorshaha dadka jooga magaalooyinka, in kastoo dad badan ay xeryaha ka yimid ay magaalooyinka joogaan.? Ayuu yiri Ilyaas barre Shiil

Kenya oo celinta qaxootiga ku cel celisay ayaa wararka aan helayno waxay sheegayaan in arintaas ay saamayn ku yeelan karto dadka Qaxootiga ah ee xeryaha jooga, kuwaas oo aan u diyaar garoobin xiligan in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: