CIIDAMADA (PMPF) OO HOWLGAL KA FULIYAY DEEGAANO KATIRSAN GOBOLADA BARI IYO GARDAFUU

HomeWararka

CIIDAMADA (PMPF) OO HOWLGAL KA FULIYAY DEEGAANO KATIRSAN GOBOLADA BARI IYO GARDAFUU

Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa holwgallo qorsheysan waxaa ay Maanta ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Bari yo Gardafuu. Degaananda holwg

Saaka & Dunida iyo Xuseen Madar , Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Dowladda faderaalka”Mowqifkeena xiisadda Khaliijka waa dhexdhexaad” (dhegayso)

Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa holwgallo qorsheysan waxaa ay Maanta ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Bari yo Gardafuu.

Degaananda holwgallada laga fuliyay ayaa waxaa kamid ah Buruc, Bacaad, Qandalaha Dhurbo iyo Xaabo, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Qoraal kasoo baxay PMPF, ayaa waxaa lagu sheegay in hawlgallada ujeedkeedu ahaa in laga hortago kalluumeysiga sharci-darrada ah, Argagixisada iyo Burcad-badeedda.

“Ciidamada PMPF oo hawlgallo ka fuliyey xeebaha deegaanada Buruc, Bacaad, Qandala, Dhurbo iyo Xaabo oo ka tirsan gobolada Bari iyo Gardafuu. hawlgalladan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanaayey Kalluumaysiga sharcidarada ah, argagixisada, burcad badeedda iyo mukhaadaraadka ayaa lagu yiri” Qoraalka PMPF.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: