DUQEYN KA DHACDAY DEGMADA SAAKOW OO LAGU DILAY XUBNO KATIRSAN AL-SHABAAB

HomeWararka

DUQEYN KA DHACDAY DEGMADA SAAKOW OO LAGU DILAY XUBNO KATIRSAN AL-SHABAAB

Wararka naga soo gaaraya degmada Saakow ayaa sheegaya in duqeyn xoog leh loo geystey xalay saldhigyo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaalamayaash

Rabshado kadhacay dalka Itoobiya oo lagu dilay 65 Soomaali ah
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Aragtida Xildhibaanaa Ka soo jeeda Galmudug Safarka Ra’iisul wasaare Khayre ee Galmudug (Daawo)

Wararka naga soo gaaraya degmada Saakow ayaa sheegaya in duqeyn xoog leh loo geystey xalay saldhigyo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntan lala beegsaday degmada Saakow iyo deegaanka Salagle halkaa oo ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymahaas lagu burburiyay Goobo ay Al-Shabaab qaraxyada ku diyarinayeen sidoo kalena la dilay Xubno ku sugnaa goobtaas.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay hase yeeshee duqeymaha lala beegsado ee saldhigyada Alshabaab ayaa waxaa iska kaashada ciidamada dowlada iyo kuwa AFICOM.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee bishan Febraayo 2021 laga fuliyo deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0