HomeUncategorized

Shir looga Hadlayay Mashaariicda Hiigsiga Soomaaliya oo Maanta Muqdisho lagu Qabtay

Khamiis May 07, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaare ku- Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa maanta furay shirka billaha ah ee looga hadlo hanaanka New Deal, waxaana shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Maamulada ka jira dalka, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, Wakiillo matalayey midowga Yurub, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Dhagayso Caawa iyo Daljir Axad 11 Sept 2016 – Wariye Xassan Haykal Studio Daljir Boossaaso
Dagaallo dad badani ku dhintay oo maalintii labaad ka socda Muqdisho.
Maxaabista Gaalkacyo oo Dhaqan Celin loo Samaynayo

Khamiis May 07, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaare ku- Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa maanta furay shirka billaha ah ee looga hadlo  hanaanka New Deal, waxaana shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Maamulada ka jira dalka, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, Wakiillo matalayey midowga Yurub, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay kamid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo marsiiyey khaanadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxana kamid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

“Ujeedka shirkan billaha ah wuxuu ahaa sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka New Deal. Waxaan goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo kamid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii muhim ka ah ee barnaamijka New Deal ku xusnaa, dhaliisha jirta ka sakow ujeedku maahan dowladda Soomaaliya in ay ka baxayso heshiiskii la gaaray 2013, ee waxaan rabnaa in la dar-dar gelino Hannaanka New Deal-ka” ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

“Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan isfaham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalkeena. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena gudbisano, sida aan rabnana naloogu taageero,” ayuu yiri Wasiirka .

Ugu danbeyn. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/raxmaan Caynte,  ayaa sheegay in ay xukuummadda Soomaaliya wado qorshe lagu dar-dar gelinayo barnaamijka New Deal, isla markaana looga faa’iideynayo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay   in ay shacbiga iyo dawladduba aad ugu han-weyn yihiin fa’iidada ka dhalata hannaanka New Deal.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: