Waxgarad iyo xildhibaano booqday eheladda Eng Yarisow (Sawiro)

HomeWararka

Waxgarad iyo xildhibaano booqday eheladda Eng Yarisow (Sawiro)

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Siyaasiyiin, Haween iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Murusade ayaa Tacsi gudasho u tagay Guriga Ugaas Maxamuud

Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)
Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray khilaafka Rooble & Farmaajo
Xulashada Daljir iyo Xasan Haykal (dhegayso)

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Siyaasiyiin, Haween iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Murusade ayaa Tacsi gudasho u tagay Guriga Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ay taal gogosha tacsida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqa magaalada Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Xubnahan ayaa waxaa horkacayay Ugaaska Beesha Murusade Ugaas faracade, waxaana xubnaha ku wehliyay ka mid ahaa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow Senator Dhegdheer, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir iyo waxgarad kale.

Ugaaska iyo xubnihii la socday ayaa ku wareejiyay Ugaaska 10 neef Geella, 20 neef Iddo ah iyo gaari raashin ah, taasoo loogu tala galay tacsida Eng. Yariisow, waxaana Beesha ka tacsiyadeysay geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u naxariistee Eng. C/raxmaan Yariisow.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: