Indiya oo gobolka Kashmiir sharci caro abuuray kusoo rogtay

Indiya oo gobolka Kashmiir sharci caro abuuray kusoo rogtay

Dowladda Indiya ayaa qaaday talaabo ay ku joojinayso nidaamka maamulka gobolka Kashmiir, taasi oo ay kala kulantay cambaarayn aad u wayn, waxaana uu ka horimaanayaa dastuurka gobolka oo muran uu kala  dhaxeeya dowladaha Pakistan iyo Indiya  muddo dheer.

 

Go’aankan oo soo baxay Isniintii ayaa dhaliyay caro xoogan oo ka timid baarlamaanka gobolka, xisbiyada iyo siyaasiyiinta, iyagoona cambaareeyey wareegtada madaxwayne ee qodobkiisa 370 ee dastuurka Kashmiir oo dhigaya inuu ahaado gobol leh darajo gooni ah gobolada Jammu And Kashmiir oo ah in lagu dhaqo xeer u gaar ah.

Dowladda uu hogaaminayo Hindu nationalist Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa sidoo kalle soo bandhigay hanaan gobolka Jammu iyo Kashmiir lagu kala qaybiyo, lagana dhigo gobolo si toos ah loo xukumo magaalada New Delhi.

Xisbiga ugu wayn ee Congresska ee Indiya ayaa ku tilmaamaya talaabadan mid ka dhalan doonto cawaaqib xummo baahsan.

Qodobka 370 ee dastuurka gobolka ayaa dhigaya inay mamnuuc tahay dadka Indiyanka ah ee ka baxsan gobolka inay dhul ka iibsadaan, shaqaallena ka noqdaan xarumaha dowladda.

Go’aankan ayaa imaanay xilli gobolka uu ku jiray marxalad dagaal oo ay ku loolamayaan Pakistan iyo Indiya, waxaana qayb ka mid ah gobolka Kashmiir ee Indiya ay maamusho la jaray maalinimadii shalay adeeggii taleefanada iyo internetka.

Dowladda Pakistan oo talaabadan ka hadashay, waxaa ay ku goodisay inay qaadi doonto talaabo kasta oo macquul ah oo gobolka ay ku ilaashan karto, iyadoona xeerka dowladda Indiya ay gobolka kula wareegtay ku tilmaamay wax aan sinaba macquul u noqon karin.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com