HomeUncategorized

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Kenya kula kulmay Masuuliyiinta hay’ado Caalami ah

Isniin, May 04, 2015 (Daljir) — Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa hormarinta Waxbarashadda Puntland u jooga dalka Kenya,waxaana uu todobaadkan kulamo kula qaatay Kenya Madax ka socotay Midowga Yurub iyo Hay’adaha taageera oo ay ka wada hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashadda.

AMISOM oo 100 boolis ah geynaysa gobolka Hiiraan kuwaas oo ku biiraya howgalka nabad illaalinta
Maalinta dhalinyarada aduunka oo Garowe laga xusay, iyo Faroole oo ka digay khatarta tahribta.
DHEGEYSO-Khudbaddii sanad laha ahayd ee madaxweynaha Puntland.

Isniin, May 04, 2015 (Daljir) — Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa hormarinta Waxbarashadda Puntland u jooga dalka Kenya,waxaana uu todobaadkan kulamo kula qaatay Kenya Madax ka socotay Midowga Yurub iyo Hay’adaha taageera oo ay ka wada hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashadda.

Dr. Cali Xaaji Warsame oo la hadlay VOA-da isaga oo jooga Kenya ayaa yiri‘’…..Shirka aan halkan u imi wuxuu ku saabsanaa shirarka Caamka ahaa oo aan uga wada hadli jirnay hormarinta Waxbarashadda Soomaaliya,gaar ahaan Puntland,waxaan kula kulnaya EU iyo Hay’adaha taageera,waxaan ka wada haadlnay sidii loo hormarin lahaa Waxbarashadda dhamaan’’.

Wuxuu intaas ku daray‘’…..Waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa Imtixaamaadka guud ee Puntland ay qado sanad kasta oo waqtigeeda la joogo iyo sida taageero uga gaysan karaan,sido kale waxaan ka wada hadalnay Soomaaliya Mustaqbalkeedu wuxuu ku xiran yahay dhinaca Waxbarashadda,arrintaas waan ka wada hadalnay,waxaan la kulanay sido kale World Bank qaybta Waxbarashadda u qaabilsan oo aan gaar ahaan Xoogga saarnay Siyaasaddaha Tacliinta’’.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa sheegay in kulamadan ay imanayaan xilli Wasaaraddu ay ku guulaysatay Qaab dhismeedka Manhajka Waxbarashadda Puntland,isla markaana ay ku hawlan tahay hormarinta geedi socoka Waxbarashadda,qorida Buugaagta iyo Daabacaadooda.

Wasiirka ayaa ayaa Waxaa uu Safar shaqo u aaday  dalka Sucuudi Areebiya oo uu kaga qayb galayo shir Caalami ah oo looga hadlayo Waxbarashadda ( TVET Ama Farsamada Gacanta), kaasi oo Soomaaliya ay ka qayb galayso Puntland oo kaliya, Shirkaa ayaa Waxa soo Qaban Qaabiyey  Islamic Development Bank.

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa ka mid ah Wasaaradaha ugu Miisaanka wayn Puntland,waxaana Wasiirku mudadii koobnayd ee uu shaqaynayay uu qabtay hawlo Qaran oo ay aad ula dhaceen umada reer Puntland.

By: jaamac Abduraham

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: