Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Nugaal oo Canbaareeyay xubno shir ku qabtay Cadaado

Isniin, May 04, 2015 (Daljir) — Qaarkamida Siyaasiyiinta Puntland islamakana xilaal kala duwan kaso qabtay dowladda Puntland aya shir jaraa,id oo ay Maanta ku qabteen magalada Garoowe waxaa ay si kulul u canbaareeyen hadalo kaso yeeray qaarkamida Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kaso jeeda gobollada dhexe Soomaaliya oo iyagu dhaliilay qodobo kamida heshiiski dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaa ka ah Garoowe ku gaareen.

Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid,Siyaasi Indho-cadde iyo Siyaasi Caalim,aya kamida Siyaasiyiinta kaso horjeensaday heshiiska Puntland iyo Federaalku ka gaareen Khilaafki ka taagna gobolka Mudug mudooyinki danbe oo aha inu dhamaanti kamid noqdo xuduuda maamulka loo dhisayo gobollada dhexe ee dalka.

Shirkii Garoowe ka dhacay ee u dhexeyey dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah aya lagu go,aamiyey in gobolka Mudug la kala qaybiyo oo laga dhigo Koonfur iyo Waqooyi Islamarkana xuduuda maamulka gobollada dhexe ayku egtahay Koonfurta gobolka Mudug,Siyaasiyiinta gobollada dhexe aya qorshahaasi si wayn u dhaliilay waxana ay sheegen inu kaso horjeedo Dastuurka dalka Soomaaliya oo ay isaga ku qeexan tahay in labo gobol iyo waxi ka badan maamul loo dhisi karo.

Docda kale Siyaasiyiinta Puntland ee kaso horjeensaday baaqyada kaso baxay Siyaasiyiinta gobollada dhexe aya sheegay in hadaladani yihiin kuwo haatan Abuuraya carqalad dagaal islamarkana aan lo baahnayn in laso celiyo dagaalki qabaliga ee ay sheegen in Soomaaliya aykaso gudubtay,waxa ay siyaasiyiinta Puntland tilmaamen in hadii aysan ka laaban hadalkan Siyaasiyiinta gobollada dhexe ay cawaaqib xumo kala kulmi doonan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Siyaasiyiinta Puntland ee ka jawaabay hadalkan aya kala ah Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo horay gudoomiye ugaso noqday gobolka Nugaal,Maxamud Jaamac Balaf oo horay uga mid aha Mudanayaasha Barlamaanka Puntland,iyo Siciid Cabdiraxmaan Dhega-wayene oo ah Agaasimaha Ha’yadda la dagaalanka Cudurka Aidis-ka Puntland.

By: Maxamed Xalliye

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com