Eng: Camey oo u safray magaalada Kismaayo

Isniin, May 04, 2015 (Daljir) — Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa saaka u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa maalinimada berito ah waxay magaalada Kismaayo kaga qaybgeli doonaan munaasabadda caleemasaarka barlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo ay ka qaybgeli doonaan madaxda Soomaalida iyo wafuud caalami ah.

Waftigaan ayaa ka dhoofi doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed Airport oo ay ka qaadi doonto diyaarad khaas ah oo looga soo diray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

 By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com