Wasiirka warfaafinta ee Puntland oo safar ka soo laabtay shirna ku qabtay Garoowe.

Garoowe, May, 08 – Wasiirka Warfaafifta ee dawladda Puntland Axmed Cali Askar oo ka soo laabtay Safar uu ku tagay Dalka Camiron ayaa maanta (Axad)shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, waxaana uu sharraxaad ka bixiyey shir ka dhacay halkaasi oo uu ka qaybgalay.

Waxyaabaha shirkaas looga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo xaddidi lahaa loona kontarooli lahaa duullimaadyada imaanaya Somaliya, si loo hubiyo in dadka xagjirka ay Somaliya ka dhigtaan saldhig caalami ah.

Shirka waxaa ka qayb galay xubno kale duwan oo ka socday qaar ka mid maamullada ka jira Somaliya, iyo hay’ado caalami ah.

C/wali Maxamed Sheikh
Daljir Garoowe http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com