HomeUncategorized

Mudaaharaad ka dhacay Laascaanood; bilayska oo xabadeeyey ardayda mudaaharaaday; 3 arday oo ku dhaawacmay, 40-meeyo la xiray.

Laascaanood, May 07 - Mudaaharaad balaaran oo ay soo abaabuleen ardayda dugsiga sare ee Muuse Yusuf ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee go

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay deegaano ka tirsan Bakool kala wareegtay shabaab (Dhegeyso)
Burcadbadeed Soomaali ah oo afduubtay markab laga leeyahay dalka Talyaaniga
Dhegayso: Khudbadii Madaxweynaha Jubbaland ka jeediyey xarunta Madaxtooyada Puntland

Laascaanood, May 07 – Mudaaharaad balaaran oo ay soo abaabuleen ardayda dugsiga sare ee Muuse Yusuf ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mudaaharaadka ayaa la xiriira xariga mucallim wax ka dhigi jiray dugsiga sare ee Muuse Yusuf oo maalmo ka hor la xiray, laguna eedeeyey in uu ku lug lahaa falal-dambiyeedyo isugu jira dilal iyo qaraxyo oo hore uga dhacay magaalada Laascaanood.

Ciidaka bilayska ee magaalada Laascaanood ee Somaliland ayaa xabadeeyey ardayda, taasina ay sababtay khasaare oo gaaray qaar ka mid ah ardayda.

Inta la xaqiijiyey, 3 ka mid ah ardayda ayaa dhaawacyo soo gaareen, halka afartameeyo kalena la xiray.

Macallimka xiran oo magiciisa la yiraahdo Sh. Maxamed Macallim ayaa ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood muddo todobaad ah.

Taliyaha ciidanka bilayska Somaliland ee gobolka Sool ayaa xaqiijiyey dhaawaca soo gaaray ardayda, sheegayna in sababta loo xabadeeyey ardaydu ay ahayd si looga hortago rabshado ka dhasha mudaaharaadka.

Laascaanood ayaa sannadigii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo lagu ugaarsanayo madaxda gobolka iyo saraakiisha ciidanka ee Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: