HomeUncategorized

Ururka Al-qaacida oo qiray dilka hogaamiyahoodii Sh. Usaama bin Laden, kuna baaqay weeraro hor leh & aar goosi.

Sida lagu xaqiijiyey hadal uu soo saaray ururka Al-qaacida, laguna faafiyey baraha internet-ka ee ururada xiriirka la leh ururka Al-qaacida, hogaami

War saxaafadeed – Guddiga amniga qaranka ee dawladda federalka oo shiray, awaamirna soo saaray.
Radio daljir oo qalab isboorti gudoonsiisay qaar kooxaha Isboortiga ee gobolka Galgaduud (Sawirro)
Ciidamada amaanka shabeelaha hoose oo rajo xumo ka muujiyey awooda Al-shabaab ee gobolka

Sida lagu xaqiijiyey hadal uu soo saaray ururka Al-qaacida, laguna faafiyey baraha internet-ka ee ururada xiriirka la leh ururka Al-qaacida, hogaamiyhii Al-qaacida Sh. Usaama bin Laden ayaa lagu dilay weerarkii ay fuliyeen ciidamada Maraykanka.

?Dhiiga Usaama ma noqon doono mid la khasaariyo …ururka Al-qaacida hadii Alle qadaro waxa uu sii wadayaa in uu weeraro Maraykanka iyo xulufadiisa, dhimashada hogaamiye Sh. Usaama waxaa ay qalad ku noqon doontaa Maraykanka; farxadoodu waxa ay isu bedeli doontaa murugo, dhiigoodu waxa ku milimi doonaa ilmadoodu? ayaa lagu yiri hadalka ururka Al-qaacida.

Ururka Al-qaacida ayaa ka dalbay shacabka reer Pakistan in ay sameeyaan kacdoon dadweyne oo ka dhan ah maraykanka iyo xulafadiisa.

Hogaamiyihii ururka Al-qaacida Sh. Usaama ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamada kumaandooska ah ee Maraykanka bishan 2-deedii, waxaana weerarkaasi uu ka dhacay guri uu ka deganaa Sh. Usaama magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan.

Weerarkii lagu khaarijiyey hogaamiyihii Al-qaacida ayaa la fuliyey iyada oo aann lala socodsiin wadanka uu falku ka dhacay ee Pakistan, waxana ay talaabadaasi mugdi gelisay cilaaqdkii labada dal.

Mudaharaadyo aad u balaaran ayaa maanta oo Jimca ah ka dhacay meelo badan oo ka mid ah caalamka, waxaana dadku ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo liddi ku ah Maraykanka iyo ereyo lagu taageeray Al-qaacida iyo hogaamiyhii la dilay; waxana hadalaas ka mid ahaa ?ha dhaco Maraykanku, ha dhaco ha dhaco argagaxiye Maraykan?. Carada iyo diidmada Maraykanka ayaa meeshii ugu saraysay abid ka maraysa caalamka Islaamka.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: