Odayaal sheegay in dawladda Jabbuuti ay faragalin qaawan ku hayso qaar ka mid deeganada Puntland.

Baran, May, 09 -Nabadoon Xasan Faarax oo ka mida waxgaradka caanka ka ah gobolka Sanaag ayaa waraysi uu siiyey idaacadda maanta (Isniin) ku sheegay in dawladda Jabuuti ay faragalin ku hayso gobolkaasi, si ay u sharciyeyso sheegashada Somaliland ee ah in gobolkaasi uu ka tirsan yahay.

Waxa uu sheegay nabaddoonku in waraaqo looga qaybgalayo shir ka dhacaya Jabbuuti la keenay gobolka kaas oo la sheegay in lagu baranayo hormarinta deegaanka, balse ujeedada laga leeyahay ay sidaasi ka badalantahay.

Waxa uu sheegay in dawladda Jabbuuti ay had jeer waddo qadiyad ka dhan Puntland ayna ku lug layd casumaad ay dawladda federalka ah ee Somaliya u soo dirtay siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi.

Max?ed C/laahi Cali Kooshin
Daljir Garowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com