M/weyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii saddexaad loo dhaariyey xilka madaxtinimo.

Jabbuuti, May 08 – Waxaa maanta markii saddexaad loo dhaariyey inuu noqdo madaxweynaha Jabbuuti M/weyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan markii saddexaad ku guuleystay jagadaasi.

Xafladda dhaarta oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimey waxaa ka soo qayb galay madax kale duwan oo ay ka mid yihiin M/waynaha Suudaan Cumar Xassan Al-bashiir, R/wasaaraha Itoobiya Mella Zanaawi, iyo M/waynaha Somaliya Shariif Sh. Axmed.

Madaxweyne Al-bashiir ayaa iska dhaga tiray go?aankii maxkamadda dambiyada dagaalka ee Heeg, oo horay u amartay in la soo xiro M/weyne Al-bashiir, wuxuuna horay uga qayb galay shirar ka dhacay wadamada Kenya iyo Chad.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *