Wasiirka dastuurka Puntland oo kahadlay shirarka dastuurka Soomaaliya ee Muqdisho (dhegayso)

Wasiirka dastuurka Puntland oo kahadlay shirarka dastuurka Soomaaliya ee Muqdisho (dhegayso)

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowaan lagu soo gabagabeeyey shirar looga hadlayay arimaha dib u eegista dastuurka Soomaaliya, kuwaasi oo horudhac u ah shirwaynaha bisha October ka furmaya magaalada Muqdisho oo diiradda lagu saari doono dhamaystirka iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo ah mid qayb ka ah dib udhaca baahsan iyo kala dambayn la’aanta dalka kajirtay mudada dheer.

Shirarka Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay wasiiro kasocda dowlad goboleedyada iyo wasaaradda dastuurka dowladda faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka dastuurka Puntland Cabdifitaax Caynab oo ka mid ahaa wasiiradii shirkaasi ka qaybgalay ayaa markii Bosaso dib ugu soo laabtay la hadlay radio Daljir, isagoona ka waramay kaalinta dowlad goboleedyada looga baahanyahay ee arimaha dastuurka dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com