Fadhiyadii Baarlamaanka Galmudug oo baaqanaya maalinkii saddexaad iyo khilaafka Galmudug (dhagayso)

Masuuliyiinta sarsare ee maamulka Galmudug ayaa isku khilaafsan weli, kuna kala aragti duwan khilaafka siyaasadeed ee waddamada Carabta iyo Galmudug ahaan dhanka ay tahay in ay isku badiyaan, iyadoo arrinkaasi uu yahay mid horay dawladda federaalka u caddaysay, kuna macnaysay aragti dhexdhexaadnimo ah.

Baarlamaanka Galmudug ayaa maalinkii saddexaad fadhigoodu u baaqaday arrinkaasi dartiis, waxaana Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Galmudug uu sheegay in ay adagtay fadhi baarlamaanku iskugu yimaado illaa xal loo helayo khilaafka madaxda maamulka Galmudug oo isku maandhaafay arrimaha murugsan ee Carabta iyo mawqif ka qaadashada Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jirto ku tumasho sharci oo lixaadleh kama imaanaya golayaasha dawladda iyo masuuliyiinta hoggaamisa, ayna sii murgiyeen khilaafka siyaasadeed ee Galmudug ka jira halkii loo baahnaa in ay dhinaca sharciga ku xalliyaan.

Xildhibaan Geelle wuxuu u warramay Geeddi oo waydiiyey heerka khilaafka madaxda Galmudug uu hadda gaarsiisan yahay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com