Golaha Wasiirada Somaaliya oo Xalay Shir Muhiim ah Ku yeeshay Muqdisho

Golaha Wasiirada Somaaliya oo Xalay Shir Muhiim ah Ku yeeshay Muqdisho

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shir deg deg ah xalay waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Shirkan oo bilowday fiidnimadii xalay ayaa socday muddo ka badan labo saacadood, waxaana uu ahaa mid albaabada uu u xirnaaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shir guddoominayay kulanka, waxaaana goobjoog ahaa inta badan Wasiirada.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha looga hadlay shirkan, balse ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xiisada siyaasadeed ee Galmudug, iyo xaalada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com