Cajiib:- Abbe Dilay Gabadhiisa oo uu ku Arkay Wiil ay Sheeko Wadaag Ahayeen

Cajiib:- Abbe Dilay Gabadhiisa oo uu ku Arkay Wiil ay Sheeko Wadaag Ahayeen

wararka ka imaanaya Gobalka Telengana ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in Abbe u dhashay wadanka uu gacantiisa ku dilay gabar uu dhalay oo 13 sano jir ahayd ,taas oo ahayd ardayad.

Siday Baahisay Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Aabahaasi uu dilaym, kadibna gubay maydka gabadhiisa oo uu ku arkay iyadoo la hadlaysa Arday ay isku Digsi ahaayeen.

Aabaha Xaasidka ah waxa uu Boliska u sheegay inay gabadhiisa is-dishay oo ay nolosha isku gubtay,balse taas ayaan wali la ruumaysan.

Dhinaca kale Waalidka gabadhaasi ayaa sheegay inay dhowr jeer ku arkeen iyadoo la hadlaysa Wiilka, inakstoo ay gabadhooda ku fasirtay inuu iska ahaa wada-sheekeysi caadi ahaa.

Boliska ayaa sheegay inay Labada Waalid ka argagaxeen markii ay dileen gabadha, balse ay isku raaceen si aan loo ogaanin inay gaas ku bilbileen maydka gabadhooda.

Sidoo kale waxay kaloo Boliska sheegeen inay Labada Waalid xabsiga dhigeen, kadib, markii ay ku caddaatay inay iyagu ka dambeeyeen dilka gabadhooda.

Balse, baaritaano ay sameeyeen Dhakhaatiirta ku takhasustay Baritaanka Maydadka ayaa shaki geliyey inay gabadha is-gubtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com