
Isniin, Abriil 13, 2015 (Daljir) — Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha Guddiga farsamada shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay arimaha ku aadan shirka Maamul U Sameynta iyo sida ugu haboon ee uu shirka u furmi lahaa, iyadoo Guddiga iyo Wasiirka ay isla garteen waqtiga shirka uu furmaayo.
Maxamed Xaashi Carabeey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga farsamada Maamulka Gobolada Dhexe ayaa u sheegay Idaacada Risaala in Wasiirka ay isla garteen in Maalinta Arbacada shirka uu furmi doono, wax waliba oo aas-aasi u ah shirkana ay diyaarsan yihiin.
Maalinta Arbacada ee todobaadkaan ayaa lagu wadaa in shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe uu ka furmo magaalada Cadaado, xilli waayahan dambe uu muran ka taagnaa halka shirka uu ka furmanaayo.
FAALLOOYIN & FALCELIN