Hillary Clinton oo u sharaxan Madaxtinimada Maraykanka

Isniin, Abriil 13, 2015 (Daljir) —  Hillary Rodham Clinton oo xoghaye arrimo dibadeed ka soo noqotay Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay tahay musharax u taagan xilka madaxnimo ee Mareykanka sanadka 2016-ka.

Clinton ayaa sheegtay inay rajeynayso inay noqoto hormuudka riyada dadka caadiga ah ee Mareykanka. Iyadoo sheegtay inay u sharraxan tahay xibiga Dimoqraadiga ee talada dalkaas haya, iyadoo la tartami doonta musharax ka socda xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka.

Hillary Clinton ayaa sanadihii 2009-kii – 2013-kii kasoo noqotay Mareykanka xoghayaha arrimaha dibadda, waxaana lagu xusuustaa doorkii ay ku alahayd siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka.

Safarradii ay gashay intii ay xilka haysay ayaa lagu sheegay 102-jeer, balse waxaa lagu dhaliilaa inay isticmaalaysay email-keeda gaarka ahaa, taasoo su’aalo badan laga keenay.

Xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga ayaa u soo jeediyay cambaareyn ku aaddan weerarkii qunsuliyadda Mareykanka ee Benghazi lagu qaaday 2012-kii, halkaasoo lagu dilay dublamaasiyiin Mareykan ah.

Hillary Clinton ayaa billaabi doonta socdaal ay ku mari doonto Mareykanka oo dhan, iyadoo ku xoojinaysa ololaheeda doorashada. Waxaana taageeray murashaxnnimadeeda madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com