Australia oo Sharciyo cusub ku soo rogtay Somalida dalkeeda ku nool

Isniin, Abriil 13, 2015 (Daljir) — Ra’isul-wasaaraha dalka Australia, Tony Abbott ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan Waalidiinta soomaalida ee diidan in carruurtooda la tallaalo.

Waxa uu xusay in la xiri doono Waalidiinta ka baaqsada inay Carruurtooda geeyaan Xarumaha Talalaalka, lana ganaaxi doono.

“Waalidiinta Soomaalida ee diida in carruurtooda la tallaalo waxa u umuteysan doonaa xabsi iyo ganaax dhan 11,500-Dollar halkii cunug oo aysan tallaalin” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Cambera.

Waxa uu intaasi ku daray inay aad uga walaacsan yihiin khatarta ay la kulmi karaan carruurta yaryar ee aan laga tallaalin lixda cuddur ee dilaaga ah.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com