Talyaaniga oo bad-baadiyay Tahriibayaal Afrikaan ah

Isniin, Abriil 13, 2015 (Daljir) —  Ciidamada badda dalka Talyaaniga ayaa bad baadshay boqolaal ruux oo tahriibayaal Soomaali ku jirto oo la socday doonyo ay ka raaceen dalka Libya kuwaasi oo daanayey in uga gudbaan dalka talyaaniga.

Taliska ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay inay illaa hadda bad baadsheen illaa 700 oo ruux oo ay ku jiraan Soomaali badan kuwaasoo qaarkood ay ciladoobeen doonyihiin ay la socdeen.

Markab weyn oo nooca dagaalka ah ayaa doonyo nooca dheereeya ah u diray tahriibayaashaan oo la socday 7 doonyood oo qaarkood ay cilad ku timid sidoo kalena waxaa ay ciidamada badda Talyaanigu sheegeen inay qaar ka mid ah tahriibayaasha oo xanuunsanaa gar gaar caafimaad u sameeyeen.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay inuu arkay haween Soomaali ah oo qaarkood aad u xanuunsanayay kadib markii ay neef qabatimoobeen.

Lama hayo tirada rasmiga ah ee Soomaalida doonyahaan la socday hase ahaatee sargaal ka tirsan hay’adda UNHCR ayaa u sheegay Reuters in dad la bad baadshay ay u kala dhasheeen wadamada Soomaaliya, Eritrea iyo Syria.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay inay sugayaan illaa iyo 600 ruux oo kale oo uu sheegay in loo sheegay inay doonyihii ay la socdeen ay badda ku jiraan t

ahriibayaasha hadda la bad baadshay waxaa la geeyay dekeda Reggio Calabria ee dalka Talyaaniga.

Ku dhawaad 500 oo ruux ayaa la aaminsanyahay in bilowgii sanadkaan ay ku geeriyoodeen badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga halka sanadkii horena ay ku geeriyoodeen in ka badan 3,500 oo ruux sida UNHCR laga soo xigtay.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com