Wasiir Juxaa,”Wixii Quseeya Shaqada Wasaaradda Warbaahinta Waa Siinayaa”

HomeWararka

Wasiir Juxaa,”Wixii Quseeya Shaqada Wasaaradda Warbaahinta Waa Siinayaa”

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa, ayaa ka hadlay go’aankii Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka ka soo baxay ee Golaha Wasii

Shacabka Puntland oo soo dhaweyeey wadahadalada DFS iyo Maamulka Somaliland (dhegayso)
Jaamacadda Bariga Africa oo Soo dhaweyn u samaysay Ardayda Sanad Jamacadeedka 2017-2018 (dhegayso)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Bosaaso soo gaaray (Daawo)

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa, ayaa ka hadlay go’aankii Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka ka soo baxay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya looga mamnuucay inay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan isticmaalaan, iyagoo aanan fasax ka haysan Ra’iisal Wasaaraha.

Xilli uu waraysi siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Juxaa ayaa sheegay wixii shaqada Wasaaradda arrimaha Gudaha ku saabsan inuu ka hadlo karo, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha.

“Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa tana ma khuseynayso, waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, laakiin waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay.”  Ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa guud ahaan laga mamnuucay inay ka hadlaan Warbaahinta, kadib markii hal dhacdo oo ka dhacday degaanka Bariire, saddex Wasiir oo Dowladda ka tirsan Siyaabo kala duwan uga hadleen, kii ugu darnaana uu ku sheegay shacab la laayay inay Shabaab ahaayeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: