Waddo Kutaal Maraykanka oo Loogu Magacdaray Muwaadin Soomaaliyeed

HomeWararka

Waddo Kutaal Maraykanka oo Loogu Magacdaray Muwaadin Soomaaliyeed

Waddo kutaala Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa loogu magacdaray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee S

MADAXWEYNE DENI OO CABDIRISAAQ CALI SACIID U MAGACAABEY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI
Haweenka PUNTLAND iyo Muhiimada Haweenka u leeyihiin Siyaasadda & Arrimaha Bulshadda (Taxanaha 3aad | dhegayso)
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Waddo kutaala Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa loogu magacdaray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Mareykanka xil looga doorto.

Munaasabad lagu dhagax dhigayay Waddadan loogu magac daray Xuseen Samatar waxaa kasoo qeyb galay duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha deegaanka ee Minneapolis, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.

Xuseen Samatar ayaa noqday qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo xil looga doortay gudaha dalka Mareykanka, waxa uu sidoo kale ahaa asaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob hormarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobalkan Minnesota.

Soomaalida qaxay ku tagtay wadamo badan oo caalamka kuyaala ayaa saameyn badan ku dhax yeeshay bulshooyinka ay la nool yihiin qaarkood, waxaana jira Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xildhibaano iyo Wasiiro ka ah Wadamo dhoor ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: