Ciidanka Difaaca Puntland oo Kor Kala Socda Dhaqaaqa Daacish Kadib Duqayntii Caluula

Ciidanka Difaaca Puntland oo Kor Kala Socda Dhaqaaqa Daacish Kadib Duqayntii Caluula

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaamada Buuraleeyda ah ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-bari aya wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku baadi goobayaan kooxda Daacish.

Dhaqdhaqaaqyadaani ayaa lasheegay in ciidanku ay bilaabayaan kadib xogo ay ka heleen dadka reer guuraaga ah iyo beeraleey ay Daacish dhowaan ka dhacday xoolo iyo dalagyo kala duwan.

Buuraleeyda dhanka xeebta ah ee gobolka Gardafuu ayaa maalin kahor waxaa kadhacday duqayn aan ilaa hadda la shaacin khasaaraha kadhashay iyadoona la rumaysan yahay in lala beegsaday firxadka kooxda Daacish.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com