War-bixin:- wareegii koowaad ee Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo xalay la soo gabagabeeyey

Bosaaso, July 24 – Waxaa xalay lasoo gabagabeeyey wareega kowaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartameen afar dugsi oo ka mid ah dugsiyada sare Puntland.

Tartanka oo xalay xiiso gaar ah xambaarsanaa ayaa labada dugsi ee Xamdaan Bosaaso iyo Minaara Bosaaso? lagu waydiiyay? midkiiba lix su’aal , waxaana gabagabadii tartanka uu kusoo dhamaaday 11 dhibcood iyo 10 dhibcood oo guusha ay ku raacday dugsiga sare ee Xamdaan Bosaaso.

Tartanka ayaa qaybtiisii labaad waxaa baratan adag uu dhexmaray dugsiyada kala ah Hawd Secondary oo Buuhoodle ka dhisan iyo dugsiga sare Mubaarak ee degmada Dhahar.

Labada dugsi tartankooda ayaa waxaa guushu ay raacday dugsiga Mubaarak oo helay kow iyo toban darajo, halka dugsiga sare Hawd ee magaalada Buuhoodle uu la yimid lix darajo, sidaasina looga badiyay.

Habeen dambe ayaa la gudagalayaa hadduu eebbe idmo wareega labaad ee barnaamijka oo sanadkaaan ay ku tartamayaan ku dhowaad 25 dugsi sare oo ka dhisan degmooyinka Puntland.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com