HomeUncategorized

Madaxweynaha dalka Oo qiray in dib u dhac ku yimid qorshihii maamul baahinta Federaalka (Dhegeyso)

Muqdisho, july 24, 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa xalayto kulan kula qaatay xaruunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya qaar ka mid ah salaadiinta Soomaalida

Al-shabaab oo Sheegatay Qarax Ay Seddex Qof ku Dhinteen oo Xamar ka Dhacay
Australia oo Sharciyo cusub ku soo rogtay Somalida dalkeeda ku nool
Wasiirka Gaashaan dhiga Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegay in ay wadanka Turkigu ugu deeqay tababaro Ciidan.

Muqdisho, july 24, 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa xalayto kulan kula qaatay xaruunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya qaar ka mid ah salaadiinta Soomaalida, wuxuu halkaasi ku soo bandhigay madaxweynaha dalka qorshaha dowlada ee maamulada dalka.

Qaar ka mid ah issimada kala gedisan ee ka qeyb galay kulankii xalayto ay la qaateen madaxweynaha dalka, ayaa aad ugu hadlay arimaha maamul baahinta Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo ilaa haatan aysan dowladu hir-gelin maamulo muuqda oo dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ka jawaabay hadalo ay jeediyeen issimo goobta? ka hadlay wuxuu xusay in dib u dhac weyn uu ka dhex jiro Dowlada Federaalka ah, gaar ahaan wuxuu aad u cadeeyey in Dowladu aysan ilaa hadda gaarin qorshihii laga damacsanaa maamulada dalka.

Wuxuu sheegay in Dowladu ay haatan qorshaha ku dartay sidii loo hir-gelin lahaa iyadoo la adeegsano dadaal fara badan in maamulka lagu baahiyo gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan, Madaxweyne Xasan kulanka kuma uusan sifeyn nooca maamul ee ay dhisayso Dowlada Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: