Waqooyiga Kuuriya oo Ka Hadashay Gantaal ay Ka Dul Riddey Japan

HomeWararka

Waqooyiga Kuuriya oo Ka Hadashay Gantaal ay Ka Dul Riddey Japan

Kuuriyada Waqooyi ayaa marki ugu horreysay ka hadashay gantaal ay Isniintii dul marsiisay hawada dalka Japan, iyada oo sheegtay in ay uga jawaabeysay

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Murrashax Cali Xaaji Warsame iyo Baahida Shacabka Birta dheer (Daawo)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay in laascanood qabsan donaan (dhegayso)

Kuuriyada Waqooyi ayaa marki ugu horreysay ka hadashay gantaal ay Isniintii dul marsiisay hawada dalka Japan, iyada oo sheegtay in ay uga jawaabeysay dhoolatuska millatari ee ay ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed dhawaan sameeyeen.

Wakaaladda Wararka Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo (KCNA) ayaa kasoo xigatay hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un in gantaalka ay rideen uu ahaa mid ay dhab ka aheyd iyo sidoo kale tallaabo ay milatariga Kuuriyada Waqooyi u qaadeen howlgalka badda baasifiga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan ikhtiyaarrada ku aadan jawaabta uu Mareykanka ka bixin doono gantaalka ay Kuuriyada Waqooyi ka dul ridday dalka Jappan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: