Uganda oo Mag-dhow Siinaysa Qoysaska Askartii ku Geeriyootay Weerarkii Janaalle

Sabti, September 05, 2015 (Daljir) —Wasiir-u-dowlaha Gaashaandhigga Uganda Jen. Jeje Odong oo ka hadlayay Baarlamaanka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Somalia ka jooga ay Gacanta ku hayaan Xoogag ka tirsan Al-shabaab ee Maalmo ka hor Weerar Khasaaraha badan geystay ku qaaday saldhig ku Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose oo ay askartooda AMISOM ka tirsan joogeen.

Jen. Jeje Odong ayaa Warbixinta uu siiyay Xildhibaannada dalka Uganda ku sheegay inay nolosha ku hayaan laba Xubnood ka tirsan Xoogaggii Al-shabaab ee Weerarka ku Qaaday Saldhigga AMISOM ee Jannaale, isagoo intaa ku daray inay hadda su’aalo weydiinayaan.

Sidoo kale, Wasiir-u-dowlaha Difaaca Uganda ayaan sheegin magacyada labada ruux ee uu sheegay inay Gacanta ku hayaan, isagoo aan ka hadlay waxay ka yeelayaan Xubnahaan uu sheegay inay qabteen, iyadoo xilliga uu khudbadan jeedinayay ay Xubnaha Baarlamaanka Uganda su’aalo weydiinayeen wasiir-u-dowlaha sida Weerarkaas lagu dilay Askarta badan uu ku dhacay.

Dhanka kale, Leo Kyanda oo ka mid ah Saraakiisha Uganda ayaa sheegay in Weerarkii Jannaale ciidamadooda looga dilay 12 Askari sidoo kale ay jiraan 10 Askari oo kale oo kaga dhaawacmay Weerarkaas, kuwaasoo uu Xusay inay Qaar ka mid ah Dhaawacyada Askartoodu yihiin kuwo culus.

Wuxuu sarkaalku intaas ku daray in Qoysaska Askarta weerarkii Jannaale lagu dilay la siin doono lacag mag-dhow ah oo gaaraysa 50,000 oo doollarka Mareykanka ah, isagoo intaas ku daray inay lacagtan bixin doono Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Uganda ayaa weli ku adkeysanaysa in Weerarkii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay Saldhigga AMISOM ee Janaale looga dilay 12 Askari, iyadoo ku goodisay inay sii wadayaan ciidamadoodu dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-shabaab.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com