Seychelles oo Burcad Badeed ay horey u Xukuntay Dib ugu soo Celinaysa Soomalia

Sabti, September 05, 2015 (Daljir) — Maxkamada Racfaanka Jaziirada Seychelles ayaa Maanta amartay in dib Soomaaliya loogu soo celiyo 8 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay ku jiran Laba da’yar ah.

Maxkamada Racfaanka ayaa qaadacday Dambi Burcad badeednimo ah oo Soomaalidan ay ku soo oogtay Maxkamada Sare Ee Seychelles.

Waxa loo heystay Weerar dhacay Bishii Febraayo Sanadkii 2013kii Weerarkas oo lala eegtay Markab uu ka babanayay Calanka Banama waxana soo xiray iyaga oo 9 ruux ah Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Holland.

Toddobo kamid ah Raggan waxa hore loogu riday Xabsi muddo Lix Sanno ah Halka Laba kale oo Soomaali ah ay Maxkamada amartay marsii horeysay in lasii daayo waayo waaa Dad aan weli qaan gaarin.

Inta badan Burcad badeeda Dambiyada lagu helo waxa loo soo wareejiyaa Soomaaliya gaar ahaan Somaliland iyo Puntland.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com