Madaxweyne Gaas oo ka Mahad-celiyay Martiqaadka Amiir Maxamuud

Sabti, September 05, 2015 (Daljir) —Amiir Maxamuud  Yuusuf  Ciise  ayaa Beertiisa oo ku taala deegaanka Dhagaxyo-cadde ee Gobalka Mudug shalay oo ay taariikhdu ahayd 4-9-2015 Qado sharaf ugu sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dadweyne isugu jiray rag iyo dumar kuna dhawaaqayey halkudhigyo kala duwan ayaa madaxweynaha si weyn  u soo dhaweeyey markii uu soo gaaray Beerta amiirka, waxaana ay wateen calamada Puntland , Soomaaliya iyo Caleemo qoyan iyo sidoo kale dhar laga tolay calanka Puntland.

Qado sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Cuqaal, Nabadoono, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday qada sharafta uu amiir Maxamuud Yuusuf Ciise u sameeyey Madaxweyne Gaas.

Qadada kadib ayaa waxaa madasha khudbado kala duwan ka soo jeediyey dhammaan salaadiintii lagu casumay, waxaa ayna Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku amaaneen dadaalka horumarineed ee ay dalka kawadaan gaar ahaana Gobalka Mudug.

Waxay dhammaan salaadiintaasi soo jeediyeen inay taageero buuxda u hayaan dadaalka horumarineed ee dib loogu soo celinayo bilicda iyo xasilinta amaanka Gobalka Mudug , taasi oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay koobta ay qado sharaftu ka dhacday ayaa sheegay , in meel wanaagsan ay marayaan mashaariicda horumarineed ee guud ahaa dalka ka socda , gaar ahaana Gobalka Mudug oo qaaday dhabada wanaaga iyo horumarka .

‘’ Runtii aad baan u faraxsanahay sababtoo ah waxaa ii muuqda jawi aad u wanaagsan , waxaana rajen in dhammaanteen oo mid ah meelo kale oo kala duwan isugu nimaano , waana loo baahan yahay dadku inay is arkaan isimo, shacab iyo dawladba ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Shacabka Gobalka Mudug , gaar ahaan shacabka Gaalkacyo waxaan uga amahadcelin sida wanaagsan ee ay noola shaqeeyeen , bulshadu iyadoon kala har laheyn runtii aad bay noola shaqeeyeen ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com