Tigey oo Iska Casilay Xilkii Gudiga Taakulaynta Ciidamada Qaranka

Tigey oo Iska Casilay Xilkii Gudiga Taakulaynta Ciidamada Qaranka

Gudoomiyihi hore ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo dhawaan uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo gudiga taakulaynta Ciidamada Qaranka ayaa is casilay maanta.

Tigey oo Bartiisa Facebook kuso Qoray sababaha keenay inuu is casilo ayaa sheegay in ay jirto wadashaqayn la ‘aan kadhex jirta gudiga laftirkisa iyo tixgalin la’aan jirta.

Sababaha is casilaadiisa ayaa waxa uu ku sababeeyay dhowr qodob oo kala ah.

1: Madaxbaani la’aan uu sheegay in ay heysato Guddiga.

2: Isku dheelitir la’aan ka muuqato Guddiga

3: Iyo sidoo kale Ixtirmaan la’aan heysato guddiga sida uu isaga sheegay.

Tigey ayaa kamid ah dadka samafalayaasha ah ee dadka somaliyeed u aruuriya lacaga ,wuxuna qayb weyn ka qaatay u gurmashadii dadku abaaruhu sameyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com