Madaxweyne Gaas oo Boosaaso Ka Daah-Furay Mashruuca Caafimaadka Aasaasiga (dhegayso+Sawiro)

Madaxweyne Gaas oo Boosaaso Ka Daah-Furay Mashruuca Caafimaadka Aasaasiga (dhegayso+Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September 2017 ku daah-furay magaalada Boosaaso mashruuca caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Bari iyo Gardafuu Puntland.

Daah-furka Mashruucani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo madaxda kale ee Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Xubno ka socdey hay’adda UNICEF, Isimo, aqoon yahano, ururrada haweenka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horay bogaadiyey shaqooyinka lataaban karo ee ay Puntland ka qabteen Wasaaradda Cafimaadka iyo Madaxdeedu, waxaana uu xaqiijiyey in uu cad-yahay, muuqdona wax qabadka Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

dhegayso codka Madaxweynaha

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com