Shirkii Barlamaanada IGAD oo Lagu So Gaba-Gabeyeey Khartuun (Sawiro)

HomeWararka

Shirkii Barlamaanada IGAD oo Lagu So Gaba-Gabeyeey Khartuun (Sawiro)

Waxaa Dalka Sudaan Xaruntiisa Khartuum waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirka Baarlamaanada waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay ka qeybgela

Bilayska Garoowe: “Kufsi Kama Dhicin Kaamka Barakacayaasha Garoowe oo waa Beenabuur” (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomie Ku-xigeeno Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qado sharaf u sameyeey Issimadda Puntland (Sawiro)

Waxaa Dalka Sudaan Xaruntiisa Khartuum waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirka Baarlamaanada waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay ka qeybgelayeen xubno ka mid ah Baarlamaannada Waddamada IGAD.

intuu socday Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga Waddamada IGAD,Tahriibka Dhallinyarada u dhalatay Waddamada ku jira IGAD,Cimillada iyo saadaasha Hawada Waddamada IGAD iyo Gudniinka fircooniga ah.

Soomaaliya waxaa ku matalayay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo 3xubnood oo Baarlamaanka Soomaaliya u matala Baarlamaannada IGAD kuwaas oo ay ka midyihiin C/Rashiid Maxamed Xiddig iyo Ikraan Yuusuf oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Shirkan oo soconayay muddo saddex Cisho ah ayaa looga hadlay sida wax looga qaban karo arrimaha kor ku xusan iyada oo dhamaadkiisa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira waddamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: