Ciidamada Amaanka Kenya oo Gubay Xarun Shirkada Hormuud ku lahayd Gedo

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo Somaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee dagaalka kula jira Kooxda Alshabaab ay gubeen xarun shirkad Isgaarsineed oo kutaalay Gobalka Gedo.

Laanta Shirkada Hormuud ee degaanla Khadiijo Xaaji oo u dhaxeysa degmooyinka Beledxaawo iyo Ceel Waaq ,ayaa lagu soo waramayaa in cidamadu ay gubeen,iyado an cadayn sababta.

Shaqaalaha ka howl galayay xaruntan isgaarsiin ee ku taalay deegaanka Khadiijo Xaaji ayaa la sheegay inay ka carareen, ka hor inta aan la gubin.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Hormuud ayaa xaqiijiyay in xaruntooda la gubay, balse ma aanay bixin faah faahin dheeri ah oo ku aadan sababta dabka loo qabadsiiyay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com