HomeUncategorized

Shirka Tana Forum oo maalintii labaad ka soconaya Itoobiya

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) — Waxaa maalintii labaad galay shirka looga hadlayo amaanka qaaradda Afrika ee ka soconaya magaalada Bahar-daar ee dalka Ethiopia , waxaana maanta khudubado kala duwan ka jeediyey madaxdii ka qeyb-gashay badankood.

Maxamed C Carte oo soo dhoweeyey gudoonka cusub ee xildhibaanada aqalka sare.
Weriyaha idaacada VOA oo lagu xiray Galkacyo, isla caawana la sii daayey. [Dhegaysi …]
QM oo sheegtay in 2.34 milyan oo Soomaali ah ay wali u baahan-yihiin gar-gaar bini?aadatinimo oo dag-dag ah.

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) — Waxaa maalintii labaad galay shirka looga hadlayo amaanka qaaradda Afrika ee ka soconaya magaalada Bahar-daar ee dalka Ethiopia , waxaana maanta khudubado kala duwan ka jeediyey madaxdii ka qeyb-gashay badankood.

Shirkaan waxaa ka qeyb-galaya hogaamiyaal muhiim u ah qaarada afrika oo uu kamid yahay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynayaasha dalalka Sudan, Ethiopia , koonfurta Sudan iyo saraakil sare oo ka socda dalalka afrika qeybtood.

Kullanka sanadkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaray sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ladagaalanka iyo soo afjarista argagixisada oo marba marka ka dambeeya awoodoodu sii yaraanayso islamarkaana bilaabay xeelado kale oo ay weeraro argagixisnimo ay ku fulinayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha uu shirku ka socdo ayaa ku baaqay in muhiim tahay in layska kaashado dagaal ka dhan ah argagixisada iyo xagjirnimada si loo sugo amaanka qaaradda Africa.

Sidookale Madaxweyne Gaas ayaa madaxda afrika ku booriyey in meel looga soo wada jeesto cidkasta oo amniga qaaradda afrika khalkhal ku ah oo ay ugu horeeyaan kooxa xagjirka ah Al-qaacida iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay sida Dawladda Puntland uga xun tahay dhacdadii ugu dambaysay ee ka dhacday dalka Kenya gaar ahaan magaalada Gaarisa oo lagu laayey arday badan, falkaas ayuuna madaxweynuhu ku tilmaamay fal waxuushnimo.

Shirka Tana Forum ee lagaga xaajoonayo ammaanka qaaradda Afrika, waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas uu ka qeyb-galo, kana jeediyo khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: