HomeUncategorized

Nin Soomaali ah oo lagu xiray Maraykanka

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) — Dembi-baarayaasha Boliska magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo Ahmed Hassan Mumin, kaasi oo lagu xiriirinayo dhac hubeysan iyo dil uu ka geystay goob lagu iibiyo gaaska oo ku taalla San Diyeego.

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Thailand iyo Findland
Madaxwene Gaas oo Garowe kula kulmay Saraakiil Ciidan oo dalka Dibadiisa tababar ku soo qaatay
DHAGEYSO: Ganacsatada Gaalkacyo oo cabasho muujiyey

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) — Dembi-baarayaasha Boliska magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo  Ahmed Hassan Mumin, kaasi oo lagu xiriirinayo dhac hubeysan iyo dil uu ka geystay goob lagu iibiyo gaaska oo ku taalla San Diyeego.

Eedeysanaha oo 30-jir ah ayaa la sheegay in lagu dhaawacay rasaas ay Boliska is-weydaarsadeen, waxaana loo qaaday Isbitaalka, iyadoo uu dhaawac culus ka soo gaaray Laabta.Ahmed Hassan Mumin, ayaa la sheegay inuu goobta lagu iibiyo gaaska ku dilay mid ka mid ah Macaamiisha oo la oran jirey Erik Shaade oo 60-jir ah.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay in lagu soo oogi doono fal-dembiyeedyadda kala ah Dil, dhac hubeysan iyo Isku-day dilka labo ka tirsan Saraakiisha Boliska.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: